Friday, August 4, 2017

Ilaha wararka( sources of news)



Ilaha wararka( sources of news)

Hordhac.

waa maxay ilaha wararka? Halkee warka laga helaa?

Su’aalahaa jawaabahoodu waxaynu ku lafoguri doonaa qormadan ilaha wararka.

Weriyayaasha waxa ugu weyn ee ay qabtaan waa inay raadiyaan wararka iyo faahfaahintooda.

Qof kasta oo u shaqeeya hayad saxaafadeed, waxa looga baahan yahay inu sheego wuxu arkay ama maqlay.

Guud ahaan ilaha wararka waxa loo qabiyaa ilaa seddex iyo toban(13) qodob.



1)    Goobjoogayaasha( eye withnesses)

2)    Dadka aad xidhiidhka la leedahay(contacts)

3)    Weriyeyaasha madaxa banana(freelances)

4)    Wakaaladaha wararka(news agencies)

5)    Warsaxaafadeedyada(press releases)

6)    Shirarka jaraa’id(press conferences)

7)    Warbaahinta kale(other media)

8)    Adeegyada gargaarka degdegga ah(emergency services)

9)    Dadka kale(readers, listeners and viewers)

10)                       Internet-ka(the internet)

11)                       Warbixinaha dawladda( government reports)

12)                       Warbixinaha hayadaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah (local and international NGO’S).

13)  Waxyaabaha balaf lagu maqlo (tip-offs).



Bal aan qodob qodob u kala qaadno:

1)    Goobjoogayaal (eye withnesses)

Markay goob wax ka dhacaan, dadka joogay meesha ayaa loo yaqaan goobjooge. Dadkaasi waxay si dhib yar  kuugu sheegi karaan waxay arkeen ee dhacayay. Sida qaalibka ah soomaaliddu waa dad war ku nool oo warka waxa la isugu gudbiyaa hab war afka ah( oral society).

Qofka markaad la kulanto, markaaba wuxu la soo boodayaa,” aniga joogay markay dhacayeen”. Waxay si dhib yar kuugu sheegi karaan waxay la kulmeen.

Laakiin iska jir wark ay dadkaasi ku siinayaan inuu xaqiiqo yahay iyo in kale. Waxa suutogal ah inay ku jiraan xaalad naxdin leh, oo aan la isku halayn Karin dhinaca xaqiiqada (facts).

Dhacdooyinka ayay si khaldan u fasiran karaan. Waxa se ay ku siin karaan war aad sii raacdo.

Haddii meeshu tahay goob dagaal, waxa loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah. Iska jir inaad goobjooge sheegtid magaciisa, markuu dagaal jiro. Waxaad u dhigi kartaa hadalka” sidey noo sheegeen dad goob joog ahi”.  Ilaali amaanka qofka (personal security).

2)    Dadka aad xidhiidhka la leedahay (contacts).

Dadka aad xidhiidhka la leedahay, waa kuwa sida joogtada ah kuu siiya wararka. Suxufi kasta waxa  waajib ku ah  inu haysto liiska dadkaasi iyo waliba telefoonadooda, e-mailadooda, meelaha laga helo.iwm.

Waxa fiican inaad ogaatid wakhtiyada aanay shaqaynayn. (Off).

Qofku wuxu si madax bannaan u hadlaa marka aanu ku jirin shaqada.

3)    Weriyeyaasha madaxa bannaan (freelances).

Suxufiyiinta sida joogtada ah ugu shaqaysta xirfadooda islamarkaana iibiya wararka ay soo helaan. Suxufiyiintani waxay noqon karaan qaar aqoon iyo waayo-aragnimo isku darsaday iyo qaar tababar qaatay. Intaanad warka ka qaadan sii baadh suxufiga taariikhdiisa . (Personal background). Kuwa isku darsaday aqoonta iyo waayo-aragnimada wararkooda waa la isku halayn karaa waana la baahin karaa. Laakiin kuwa aan aqaaonta ama waayo-aragnimo lahayn wararkooda waa la iska hubsanayaa, oo waliba meelo kale waa in laga sii xaqiijiyaa. (Other sources). Haddii kale baahinta warkooda khatar ayaa lagu galayaa.

4)    Wakaaladaha wararka (news agencies).

Wakaaladaha wararka kuwa ugu caansan waxa ka mid ah: AP, AFP, REUTERS, DPA iyo UPI.

Waa shirkado wararka iibiya meelo kala duwan oo caalamaka ah. Way sii kala caansan yihiin qaarkood waxa la yidhaa waxay leeyihiin ilaa 20,000 oo weriye. Intooda badan waa qaar la aamino ama looga-qaateenimo lagu yaqaan. (Reliable sources). Waxay caalamka ku leeyihiin sumcad, taaso sababtay in la aamino. Way iska ilaaliyaan inay sheegaan wax aanay hubsan, haddii kale magac xumo ayaa ka raacaysa. Wararkooda inta badan waa la soo xigtaa.

Inaad hubsataana waa shay fiican. (Check your sources).

5)    Warsaxaafadeedyada (press releases).

Waa war sy soo saaraan hayad doonaysa inay wax sheegto si dadku u maqalaan ama u daawadaan. Warkaasi wuxuu noqon karaa mid qiimo weyn leh ama wax aan la sheegi Karin. Haddii uu yahay mid soo jiidasho leh waa la sheegi karaa, haddii kale waa la guud marayaa.haddii loo sheego siduu yahay, wuxuu noqonayaa xayaysiis loo sameeyay hayadii soo saartay. (direct advestisment). Laakiin haddii laga dhigo barnaamuj lacag laga qaado waa arrin kale. Markasta waxa la qiimaynayaa mihiimada uu leeyahay. (Importance of subject).

6)      Shirarka jaraa’id (press conferences).

Shirarka jaraa’id ee loogu yeedho suxufiyiinta waa qaar ujeeddo laga leeyahay, waxay noqon karaan, wax cusub oo la sheegayo ama wax hore u jiray oo jawaab laga bixinayo.

Sidii aynu hore u soo sheegnay, suxufiga ayaa kala dooranayo, waxa ku jira inay yihiin wax la sheegi karo iyo in kale. (Interesting or boring).

Mar kasta waxa meesha lala yimid maaha xogta runta ah, balse waxa mihiim ah su’aalaha laga weydiiyo mowduuca. (releveant questions). Haddii ay suurogasho ka balanso warysi gaar ah, markuu dhammaado shirka jaraa’id.

Si fiican u dhegayso su’aalaha la weydiinayo dadka shirka jaraa’id qabtay. Waaba inaaso wax kugu soo kordhiyaane.mar kasta waxaad doonayso, su’aal ka weydii. (Ask questions-never make assumptions).

7)    Warbaahinta kale (other media).

Weriye kasta waa inu la socdo warbaahinta kala duwan ee dalkiisa iyo caalamakaba. Tani waxay kuu saamaxaysaa inaad wax kasta la socotid (updated person). Wakhtiyada aanad shaqada ku jirin, isku day inaad dhegaysato idaacadaha, daawato telefiishanada, akhristo jaraa’id, gal ama booqo shabakadaha internet-ka.iwm.

Waxaad ka heli kartaa wax cusub iyo fikrado aanad hore u aqoon. (New ideas).

Weriye ahaan waa inaad ogaato oo aad maanka ku heyso tartanka ka dhexeeya warbaahinta caalamak iyo tan gudaha. Waa inaad noqotaa qof soo jeeda. (Competitive person).

Bal ka warran suxufi wakhtiga aanu shaqada ku jirin makhsin ku qayilaya ee sheeko uun ku jira maantoo dhan. Siduu ula tartami karaa suxufi aan qayilin oo wakhti kasta baadhitaan ku jira.

8)    Adeegyada gargaarka degdegga ah (emergency services).

Waa meelaha ugu mihiimsan ee laga helo warark imika dhacaya. Xafiiska wararka ee hayad warbaahineed leedahay waa inay haystaa liiska telefoonada ee xarumaha gargaarka degdegga ah, si ay u helaan wixii dhacay faahfaahintooda. ( lastest news).

Waa in lagu dhejiyo liiska telefoonada meel suxufi kasta ka arki karo. (Telephone numbers).

Adeegyada gargaarka degdegga ah , waxa ugu mihiimsan. Cisbitaallada, saldhigyada bileyska iyo gaadiidka ka shaqeeya gurmadka degdegga ah.

9)    Dadka kale (readers, listeners, viewers).

Dadka caadiga ah waxa ku jira dad u jajaban inay helaan wararka, qaarkood markaad la sheekaysatid waxaabad is odhanaysaa waa suxufiyiin. Dhegaystayaasha, akhristayaasha iyo daawadayaashada ku dhiiragali inay ku soo diraan wararka ay arkeen iyo waxay goobjoog u ahaayeen. Laakiin markasta iska hubi waxay kuu soo diryaan maadaama aanay ahayn suxufiyiin, waxa laga yaabaa inay si khaldan u fasiraan dhacdooyinkia ay la kulmaan. (Double check).

10)           Internet-ka (the internet).

Waa qalab casri ah oo warbaahineed oo cusub. Waxa laga heli karaa malaayiin bog oo qoraal ah, sawiro, codod, video iyo dhacdooyin kumanaan ah. Waxana ka buuxa macluumaad aan la soo koobi Karin.

Dhinaca shabakadaha  wararka ( websites). Waxa jira shabakado ay leeyihiin shirkado, hayadaha dawladda, hayadaha madaxa bannaan iyo kuwa caalami ah, oo laga heli karo waxyaabo xaqiiqo ah, oo la isku halayn karo.

Waxa kale oo jira shabakado  kale oo dad gaar ahi leeyihiin oo ay ka buuxaan warar aan sal iyo raadtoona lahayn iyo xanta suuqa la isla dhexmarayo. (Rumor news).

ISKA JIR , WAX KASTOO KU JIRA INTERNET-KA RUN MAAHA.

Qaar ka mid ah shabakadaha saxaafadda oo aad  macluumaad ka heli karto.( useful internet sites).

= www.amarc.org . world association of community radio broadasters.

= wwww.freedomform.org/whoweare/media.asp

= www.ijnet.org  . international journalist’s network.

= www.cpj.org  . Committee to protect journalist.

= www.spj.org  . Society of professional journalist.

= www.igc.org  . Institute for global communications.

= www. Ifj.org

= www.oneworld.org/ndima

11)  warbixinaha dawladda ( government reports).

Warbixinaha ay soo saarto dawladdu waxa ku jira waxyaabo laga faalloon karo ama war laga samayn karo. Waa inaad wada akhrido oo aad kala  soo baxdo wixii aad isleedahay waa mihiim. Inta badan waxa laga samayn karaa barmaamuj doodd ah.

Tusaale ahaan war bixinta dawladda waxa ku jiray dhaqaalaha dalka oo gaadhay meel sare. Waxaad casuumi kartaa qof aqoon iyo khibrad u leh dhaqaalaha (economist). Iyo masuu ka tirsan dawladda gaar ahaan wasaarada maaliyada. Waxaad dhexdhig kartaa su’aalo iyo mowduuc aad soo baadhay, halkaana aya dooddu ka bilaabmato

12.  warbixinaha hayadaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga. (Local and international agencies reports).

Hayadahu waxay ka qabtaan hawlo kala duwan, qaarba shay gaar ah ayay ahmiyad siiyaan.

Waxaad booqan kartaa xafiisyadooda ama bogga internet-ka ay leeyihiin, si fiican isha u mari, wixii ku soo jiita ayaad si fiican u akhriyay. Ka dibna ka fikir wixii aad ka qori lahayd ama ka diyaarin lahayd.

13. waxyaabaha balaf lagu maqlo ( tip-offs).

Sheekooyinka iyo ku-ti-kuteenka la isla dhexmarayo ee aad maqashay, waxay noqon karaan waxyaabo faa’iido leh, waanad sii raaci kartaa.

Adigo markasta iska shaandhaynaya. Ileyn waa shay aan sugnayn oo dadku isla dhexmarayaan. (Checking the facts).

cid kasta oo wax lagaaga sheego waad raadsan kartaa, adigoo u kuurgalaya, bal waxa ka run ah ama been ah. Dadka aad isleedahay arrintan ayay wax ka ogyihiin balanso ama ugu tag goobta ay joogaan, si gaar ahna ula sheekayso, bal inay wax kugu kordhiyaan. U sheeg inaanad baahin waxaad ka wada sheekaysanysid ( off the record).haddii uu wax kuu sheego weydii meeshu ka maqlay, si aad tixraac ugu samaysid.



Dhinaca tifetirka:  Dillapress.com

Casharadii Saxaafadda:- Dhexdhexaadnimada (impartiality)



Hordhac Waxayaabaha laguugu soo joogsanayo, waa adigoo noqda dhexdhexaad.

 Haddii aad ku sifawdo, isku dheelitir iyo cadaaladd, waxaad sumcad iyo magac ka helaysaa bulsha weynta. Wax kasta oo dhaca waa inaad meel dhexe ka istaagto. Haddii aad ku dhexmilanto afkaaraha dadka is haya, waxaad ka mid noqonaysaa dhinacyada is haysta. Guud ahaan dhexdhexaadnimada waxa loo qaybiyaa ilaa todoba qaybood, oo kala ah: a) dhexdhexaadnimada suxufiga ( don’t be sided). b) isticmaalka luuqada iyo erayada ( language and its words). c) xaqa wax ka jawaabidda ( rights to comment). d) xaqa diidmada ( rights to reject). e) xaqiiqo ku salayn ( based on facts). f) isu dheelitir ( balance). g) caddaalad ( justice). Bal aynu mid, mid u sharaxno: a) dhexdhexaadnimada suxufiga (don’t sided) suxufigu waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof u dhexeeya, arrimaha dhacaya. Dadku way kuu siman yihiin. Maaha inaad dadka qaarna soo dhawayso, qaarna aad fogayso. Maaha kaalinta weriyuhu inuu kala xukumo sax iyo khaladka, runta iyo beenta wixii la kala sheegto, ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inuu waan waan ka dhexdhaliyo dhincayada is haya. Waxa kaliya eed meesha u joogtaa inaad sheegto aragtida labada dhinac, iyo wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira. (present conditions). Si weyn isaga hubi waxaad tabinaysid, inay yihiin fikradda labada dhinac. Taasina waa tiirarka waaweyn ee saxaafadda iyo suxufiga. (major role). b) isticmaalka luuqada iyo erayada
( language and its words). Luuqada aynu doonayno inaan ku hadalo, waa hadba tuu dadka lala hadlayaa yaqaan, ha noqoto mid shisheeye ama afka soomaaliga. ( local or international). Weriye kasta waxa khasab ku ah inuu yaqaan, dadka uu wax u sheegayo. ( know your audience). Intaasi ka dib wuxu ka fikiri karaa inuu kula hadlo luuqada ay fahmi karaan iyo isticmaalka erayada ku jira. Iska dhawr erayada laba micnood leh ama wax ka badan. ( different meaning words). Waxa kale oo aad maanka ku haysaa kuwa si kala duwan looga yaqaan deegaanada kala duwan. Markaad diyaarinaysid warbixin ka hadlaysa xaalad meel ka jirta, waa inaad isticmaashaa luuqada dadka caadiga ahi ku hadlaan, markay sheekaysanayaa. (traditional language) ama sidii adigoo saaxiibkaa la sheekaysanaya oo kale. Haddii aad isticmaasho luuqada ama erayada ay adeegsadaan suugaanyahannadu cida ku fahmaysaa waa dadka suugaanta ku dhexjira oo kaliya. ( only special people). Kaliga ha aaminin in waxaad sheegayso la wada fahmayo. Laakiin u kuurgal oo la sheekayso dadka bal inay wax dhaliil ah kuu sheegaan, si aad u saxdo. = af-guri ( local words). Af-guri waa erayada laga isticmaalo kolba deegaanka aad joogto. Oo aanay kula fahmayn deegaanada kale. Iska hubi in daka oo dhami kula fahmayo erayada af-guriga ah. Tuaale ahaan, erayga beedka reer Somaliland waxay u yaqaan beed, koonfurta somaliya waa ukun, reer jabuuti waa naalo. Markaa eraygaa isticmaalkiisu wuxuu ku xidhan yahay kolba meesha aad joogto ee dadkaasi kula fahmayaan. “ af-gurigu ma xuma haddii dadka deegaankaasi kula fahmayo” = erayada suuqdiga ah ( slange). Bal ka waran erayadan, haddii aad ku darted warbixin. Wuu u khuuriyay, horuu u soo fadhiyaa, waan soo kala toosay, wuu u jaakidhay. Iwm. Dhammaan erayadaasi waa qaar u gaar ah dhalinyarada. Way adag tahay inay fahmaan dadka waaweyni. Markaa waa arrin aad banaanayn in la adeegsado, maadaamo aanay bulshadi wada fahmayn. = erayada dhinaca siyaasadda. (Political words). Erayadan soo socdaa waxay noqon karaan aflagaado ama ammaan. Dadka qaarkii way ku farxi, qaarna way ka cadhoon. Argagixiso, xagjir, kooxaha mayalka adag, takfiir, kooxo canaasiir ah, ciidanka alle, khawaarij, xukumadda ridada, cadowga ilaahay, mujaahid, murtad, nabad diid, kooxaha falaagada ah, maleeshiyo iyo deblay iwm. Isticmaalka erayadaasi waa laga taxadirayaa. Waayo haddii aad qaar isticmaasho ogow inaad ka baxday dhexdhexaadnimadii. Waa erayo adduunka lagu kala aragti duwan yahay (different ideology). Tusaale ahaan marykanku alqaaciida wuxu u yaqaan argagixiso, ruushkuna jeejinaya wuxu u yaqaan argagixiso, filipiin abu-siyaaf waxay u taqaan argagixiso, hindiya kaashiir waxay u taqaan argagixiso iwm. Laakiin alqaaciida ma ogola in loogu yeedho argagixiso, jeejniyana ma ogola kuwa kalena waa sidaasi oo kale. Alqaaciida waxay isu yaqaanaan inay yihiin mujaahidiin xaq ah, markaa haddii aad alqaaciida ugu yeedhid argagixiso dee dhexdhexaad ma tihid oo marykankii yaad la safatay. Waxa dhexdhexaad noqon kara inaad ugu yeedhid magacooda. Mudane weriye ama tifaftire waa inaad fiiro gaar ah siiso isticmaalka erayo kooxo gaar ah hal qabsi u ah. FIIRO GAAR AH: warbaahinta reer galbeedka maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ahi. Arrin kasta waxay ka horaysiiyaan danta qarankooda. (National interest) ama amniga dalkooda. (National security). Waayo wax kasta oo dalkooda wax yeelaya waxay ugu yeedhaan “ argagixiso”. Markaa waxay la safteen dawladoodi, wax dhexdhexaad ahna may muujin. Erayada kala ah: kooxo canaasiir ah, kooxo flaago ah, deblay waxaad ku bedeli kartaa kooxaha mucaaradka ah. Tusaale ahaan waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxo argagixiso ah, halkii aad ka odhan lahayd, waxaad ka tidhaa” waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Haddii ay magac leeyihiin ugu yeedh magacooda. c) xaqa wax ka jawaabidda ( rights to comment) marka qof ama hayad wax lagu eedeeyo, waxay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan wixii lagu eedeeyay. Dhinac a wakhtiga haddii aynu eegno, waxa la isku dheelitirayaa labada dhinac wakhtiga la siinayo. ( time balance). Tusaale ahaan haddii uu afhayeenka dawladu soo saaro hadal qoraal ah, oo uu mucaaradku ku timaamayo dambiilayaal qaranka meel kaga dhacay, oo hadalkiisu socdo ilaa soddon daqiiqo. Waa in dhinaca mucaaradkana la siiyo jawaabta ay arrintan kaga hadli lahaayeen intii in leeg. ( the same time). Haddii laakiin wakhtiga loo kala badiyo, waxa halkaasi ka muuqanaysa in aan dhexdhexaad laga ahayn arrintaasi. d) xaqa diidmada ( rights to reject). Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu wax diido waxna aqbalo. Maaha shay lala yaabo, marku qof diido inuu warysi ama war bixiyo. (personal rights). Laakiin haddii qofku diido in la waraysto, hasa yeeshe ay tahay in loo baahan, waxaad ku dartaa warbixinta in aad la xidhiidhay qofkaasi, balse uu diiday inu bixiyo wax waraysi ah. Arrintani waxay dhegaystayaasha, daawadayaasha iyo akhristayaasha tusaysaa inaad isku dayday in warka labadiisii dhinac aad raadisay, laakiin qofkaasi ku diiday. Waxay qayb ka qaadanaysaa inaad sheekada dhexdhexad ka tahay. ( neutral journalist). Dhinaca barnaamujyadda dooddaha ah: Tusaale ahaa waxaad qabanaysaa doodd ka dhacaysa tarunta T.V ga aad ka shaqayso waxaad ku casuuntay afar qof inay doodda ka qayb galaan dhammaantoodna way aqbaleen inay ka soo qaybgalaan. Balse saacadihii ugu dambeeyey ee ay dooddu bilaabmaysay ayuu mid ka mid ah ka qaybgalayaashu is bedeley oo qaadacay ka qaybgalka doodda. Markay halkaa marayso, waa in dadka loo sheego qofka jaray balantii, isla markaana kursigii uu ka maqnaa la tusaa dadka. (Mention the position). e) xaqiiqo ku salayn ( based on facts). Suxufiyiintu waa inay hawshooda u gutaan si daacadnimo ku jirto. Warka oo sidiisa loo soo bandhigo, waxa lagu heli karaa sumac iyo looga-qaateenimo. Xitaa haddii uu ka horimanayo danaheena gaar ahaneed. ( be objective). Mid ka mid waxyaabaha ku salaysan xaqiiqadu waa sifooyinka la siinayo, kooxaha iska soo horjeeda.iyo waxa lagu hadlayo oo la ilaaliyo. (Pay attention what you say). Tusaale ahaan. Goob dagaal ka socdo ayaad ka soo werinaysaa waxaanad tidhi” ciidamada dawlada ayaa cagta mariyay kooxo argagixiso ah, oo ku dhuumanayay bariga magaalada.” Hadalkani maaha hadal weriye . waa hadalka afhayeenka dawlada. Suxufigu hadalkan ma isticmaali karo ilaa uu ka jawaabo su’aalahan. Waayo ma adiga ayaa ka dhigay argagixiso? Raali ma ka yihiin in loogu yeedho? Miyaanay magac lahayn? Maxaad ugu bixisay? Iska jir inaad hadalka iska tidhaa. U fiirso waxa afkaaga ka soo baxayo. ( your own words). Hadalka weriyuhu waa kan” ciidamada dawlada ayaa dagaal kula jira kooxo ka soo horjeeda, walina dagaalku wuu socdaa”. Haddii ay dawladu meel qabsatay oo warkaasi cad yahay waa inaad sheegto. Laakiin ha horboodin warka. Haddii aanad xaqiiqo ku salayn warkaaga, waxa dhici karta in dadku kaa aamin baxo, oo meel kasta lagaaga soo horjeesto, oo weriyahaagana lagu dilo meel kasta. Ileyn adigaa halkaa isdhigaye. ( don’t bias). Wararka aad soo hesho ha marinhabaabin, waayo dadka aad wax u sheegaysaa way fahmayaan marinhabaabinta aad samaysay. f) isudheeltir ( balance). Isudheelitirka wuxu si weyn ugu xidhan cadaaladanimada, waxaanu nuxurku yahay inaad labada dhinacba fursad u siiso inay doodaan. Waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, dooddaha, faallooyinka iyo fikradaha kala duwan waa inay loo soo bandhigo qaab sugan oo isudheelitiran. ( fairness). Si loo ilaaliyo isudheelitirka, waa in qodobadan isha lagu hayo. (few tips). 1) si ku haboon ayaa lo soo bandhiyaa iyadoo lagu xisaabtamayo wakhtiga iyo meesha bannaan ee la siinayo.( time and position). 2) sheekada iyo qaybaheeda waxa loo soo bandhigaa si madax banaan oo dhinac kasta laga eego. (independent of both sides). 3) meesha ku haboon, iyo cidii xaq u leh jawaab inay ka bixiso waa in la siiyo. ( chance to make comment). 4) waa in aan warka la khafiifin oo la macno dilin ama wax yar laga soo qaadin macnaha guud iyo nuxurkiisa. ( tast of the sentences). 5) waa in aanay isku dhexyaacin warka iyo xayaysiisku, oo la kala ilaaliyaa. 6) waraka la xidhiidha faallooyinka, looma qorayo qaab colaadda sii xumaynaysa oo uga sii darta cadaawadda ka dhexaysa bulshooyinka ay arrintu khusayso.( worsening the condition). g) cadaaladda ( justice). In suxufigu uu xaqiiqada wax ku saleeyo wuxu micnaheedu yahay in cadaaladd iyo daacdnimo wax loo sheego. Iyadoo la eegayo qiimaha iyo saxnimada. ( in value and size). Mana aha inay iska dhega tiraan araa’da kuwa ay iyagu neceb yihiin. Waa inay dadku kuu sinaadaan, maaha inay dadku kuu kal qaybsan yihiin. Waa in qaarna laga yeelin danahooda gaarka ah, qaarna loo fulin. Suxufigu waa in aanu qaadan wax laaluusha ah, waayo waxaad ka tegaysaa dhexdhexaadnimadii iyo cadaaladii. Sowtii hore loo yidhi” af wax cunnay xishoo”. Haddii aad laaluush qaadatid waad habranaysaa oo hawshadii uma gudan kartid sidii loogu talgaly.dadwaynaha sida dhabta ah u qiimeeya saxaafaddu way fahmayaan inaad laaluush qaadatay, waayo waxa warkaaga ka muuqnaysa buubuunin iyo ka bad-badin. Ogow dadweynuhu khaladka way xusuustaan muddo dheer. Haddii uu khaladkaagu isku xigxigo ( repeat mistake), waa lagaa shakiyayaa. Waxana calaamad su’aal la saarayaa cadaaladdnimadaada. Aakhirkana warkaaga waxa lagu suntayaa been cad. Waxana dhici karta in laguu bixiyo beenaale aan la aamini Karin. (Fiction maker).



Dillapress.com Editors

Casharadii Saxaafadda:- Sugnaanta xogta ( accuracy).

Sugnaanta xogta ( accuracy). Hordhac. Waa mid ka mid ah arrimaha ugu mihiimsan in waxaad sheegayso uu ahaado wax sax ah. Si dadku kuu aamino, waxaad u baahan tahay inaad ku sifawdo xog sugan, oo aan mugdi ku jirin. Dadkana u sheeg wax run ah, oo aad soo shaandhaysay. Guud ahaan waxaa loo qaybinyaa Shan qaybood: a) deg degg aan la hubin ( fast is no good). b) Ka fiirso tafaasiisha ( risk of details) c) Si sax ah ugu dhawaaq ( call at right order) d) Sixida khaladaadka( correction ways) e) Wadooyinka loo maro sugnaanta xogta. (Road map). Bal aan mid kasta sharax ka bixino a) deg degg aan la hubin ( fast is no good) In shay lagu degdeggaa wuxuu keeni karaa dhib weyn, oo hadhaw ay ka imin karto qoomamo. (Bad feedback). Marka meel wax ka dhacaan, shayga ugu horeeyaa waa in la hubsado siday wax u dhaceen, ka dibna lagu xigsiiyo tafaasiisha iyo khasaaraha ayaa xooga la saarayaa. (Great concentration). Xeer mihiim ah ayaa ahaa” waxa wanaagsan ahaanshaha ka labaad oo sax ah intii aad noqon lahayd ka ugu horeeya oo khalad ah.” Getting your story fast is no good it is wrong”. Marka goob wx ka dhacaan, waxa marka hore wax la weydiinayaa, suxufiyiinta goobta joogtam haddii aanu suxufi joogin, wax la weydiinayaa masuuliyiinta iyo goobjoogeyaasha. Sidaynu hore u soo sheegnay, mar kasta waa la hubinayaa waxay dadkaasi soo tebiyeen, waayo maaha suxufiyiin aqoon u leh waxay sheegayaan, meelo kala duwana waa laga hubinyaa. (Don’t rely on single soure). Dadka qaarkii waxay yeelan karaan ujeeddo kale markay wax kuu sheegayaan, markaa wax kasta oo laguu sheego run ha u qaadan, laakiin sii baadh xaqiiqadiisa. b) ka fiirso tafaasiisha ( risk of details). Halistu waxay ku jirtaa tafaasiisha, hubi oo mar kale hubi magacyada dadka, xilalka ay hayaan, sidey u qoran yihiin, taariikhda, wakhtiga, meesha iyo tirooyinka. Ma la hubaa inay iyagu hadalkan ama xogtan sheegeen, soo bandhig hadalkooda asalka ah, adigoo hadalka u dhigaya hebel wuxuu yidhi” seddex qof ayaa isku qarxiyay goobtan, waxana ku dhintay lix qof”. Waa inaad hadalkiisa dadka maqashiisaa. (Original source). Aqoonsiga qofka oo aad khaladaa waxa ka dhasha dacwad aan la difaaci karayn. ( check the titles). Tusaale ahaan. Haddii axmed jaamac cumar lagu xukumay dambi dil ah oo uu galay, adiguna aad soo bandhigtid sawir khaldan oo nin kale oo isna la yidhaa axmed jaamac cumar, dee ninkan labaad ee aan dambi gelini wuxuu kugu dacweyn karaa inaad sharaftiisii meel kaga dhacday, oo wax aanu galin aad galisay. Aakhirkana maxkamad ayuu kula tiigsanayaa. Waxaad mar kasta maanka ku haysaa, marka goob wax ka dhacaan ee aad warysanaysid dad goob jooge ah, aad ugu fiirso faahfaahinta ay bixinayaan, waxa dhici karta inay ku sugan yihiin xaalad nexdin ah oo dhinaca maskaxda ayay mashquu ka yihiin. (Mentally busy). Adigoo tixgalinaya xaalada degaankaaga waxa suurogal ah in xogta aad ka heshay ilaha rasmiga ah sida booliska iyo saraakiisha dawlada in aad toos u tebin kartid adiga oo aan ka hubin ilo kale.( direct source). Sheeg ilaha aad soo xigatay mar kasta oo ay suurogal tahay. Isla markaana kala saar xaqiiqada iyo kutiri-kuteenka. ( don’t mix with facts and fictions). c) si sax ah ugu dhawaaq ( call at right order) ku dhawaaqista erayada iyo magacyada ad-adag waa qaar dhib wey ku haya weriyeyaasha qaarkood. Dadka caadiga ah ee sida joogtada ah u dhegaysta ama u daawada warbaahinta way kula yaabayaan, markay maqlaan weryiye khaldaya dhawaaqa magic ama eray. (The right pronounces). Tusaale ahaan. Weriye ka tirsan radio Hargaysa ayaa maalin dhawayd si khaldan ugu dhawaaqay magaca madaxweynaha dalka koonfur afrika oo magaciisa la yidhaa” jaakof suuma”. Wuxuu ugu dhawaaqay “ jatuf sama”. Ilaa seddex jeer ayuu dhawaaq khaldan ku celiyay. Muu ogayn inuu khaldan yahay. Erayada dhawaaqoodu adag yahay, waxa lagaga bixi karaa in studio-yaha lagu dhajiyo liiska magacyada ad-adag, si weriyaha maalintaasi ama habeenkaasi warka u lihi uu isha u sii mariyo wixii ku adag. (Difficult areas). d) sixida khaladaadka ( correction ways). Khaladku waa laba nooc oo kala ah: a) mid ka dhaca barnaamuj toos ah ( live event) b) mid ka dhaca barnaamuj la duubay ( recorded event) bal aan hoos ugu daadagno. a) mid ka dhaca barnaamuj toos ah ( live event) waa ka ugu halista badan, waayo khaladka dhacaya waxa wada maqlaya ama daawanaya dadka. Wuxu u baahan yahay in isla goobta lagu saxo waayo waa wax imika baxaya. (Present). Waxana masuuliyada dhabarka u ridanaya weriyaha hawsha gacanta ku haya. Marka khalad la saxayo, waxay u baahan tahay degenaan iyo taxadir. Suxufigu hadalk wuxuu u dhigi karaa si xushmadi ku jirto. Tusaale ahaan. Dhegaystayaal ama daawadayaal waxaan saxaynaa khaldii ahaa” afhayeenka madaxtooyada, wuxuu sax ku ahaa afhayeenka wasaarada arrimaha dibada.” Raali naga ahaada. Marka khalad weyn si degdeg ah loo saxo wuxu baajin karaa dhib weyn oo soo gaadha hayad warbaahinta ee khaladku ka dhacay. Khaladyadu marmarka qaarkood way dhacaan, laakiin in la saxo ayaa waajib ah. (Responsibility of correction). b) mid ka dhaca barnaamujka la duubay ( recorded event). Khaladkani waa mid aan sidaasi u halis badnayn, oo marka kowaad ee la baahiyo barnaamuka ee la ogaado inuu khald galay, waxa laga masaxayaa ka labaad ee la baahinayo. Warbaahint qaarkood waxay sixitaankooda baahiyaan isla wakhtigii, maalintii iyo barnaamuujkii khaladkii hore lagu sameeyay, iyadoo ku talogalkoodu yahay in dadkii khaladii hore maqlay ay sixitaankana maqlaan ama daawadaan. Dhinaca kale xeer kale ayaa isna ahaa: halis baa ku jirta in khaladkii hore dadka la ogaysiiyo isla mar ahaantaana lagu baahiyo dadweyne ka sii badan. Hadaba si labadan xeer la isugu dhaweeyo, nuxurku wuxu yahay in khaladka la saxo, oo waliba raalligalin cad laga bixiyo. Dadka aad wax u sheegayso waxay isugu jiraan, min PROFFOSSOR ilaa islaan aan magaceeda qori Karin, waxa loo baahan yahay dadka baaxadaa leeg inaad raalligaliso, oo wax sax ah aad u sheegto. (Range of audience). Iska jir erayada loo isticmaalo xawayaanka. Sida erayga, Raxan. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa jariirad qortay war noocan ah: raxan wasiiro ah ayaa booqosho ku jooga dalka kiiniya. Tusaalahani waa khalad, waayo erayga raxan looma isticmaalo dadka. (Fine suitable word). Waxa ka fiican, adigoo yidhaa” koox wasiiro ah, ayaa booqosho ku jooga dalka kiiniya. Erayga raxan waxa loo adeegsadaa xawayaanka. Tusaale ahaan. Daanyeero raxan, raxan u socda ayaa farabaas ku haya beeralyda togwajaale. Laakiin hadday kugu adkaato doorashada eraygu, weydii abwaanada ama suugaanyahanada. Qoraalka tirooyinka. Marka la qorayo tirooyinka caadiyan waxa loo qoraa laba hab, oo kala ah. a) habka la isticmaalo xaruufta ( in words) b) habka la isticmaalo lambarada ( in figures). Markaan eegno dhinaca saxaafadda, waxa la dooranayaa habka loo qoro xaruufta (in words). Tusaale ahaan. 10,000 oo qof ayaa ku dhintay dhuk gariir ku dhuftay koonfurta dalka shiinaha. Waxa ka fiican adigoo yidhaa. Tusaale ahaan. Toban kun oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir ku dhuftay koonfurta dalka shiinaha. Sababta loo doortay waxa weeyi, in mar kasta aad isticmaasho erayo dadku kula fahmayo. Dadka qaarkii waxa ku adag akhrinta tiryoonka u qoran lambarad, sidaa darteed waxa lagu qorayaa wax la wad akhriyi karo. (Level of undserstanding). Wadooyinka loo maro sugnaanta xogta (Road map). Guud ahaan waa in si weyn loo tixgaliyaa qodobadan: 1) waa inaad ku tirsanaan ilo wareed oo kaliya.( single source). 2) marka horeba waa inaad kala hubsadaa in warkaasi kugu soo gaadhay gacantii hore ama gacantii labaad. ( first hand or second hand). 3) waa in la hubiyaa, oo waliba lahubiyaa cidii uu asal ahaan ka soo baxay warku. ( original source). 4) waa in la raadiyaa cidii u hayd ehelka ama u dhuun dalooshay sheekada. cid dacal ka joogta la doonan maayo. 5) hadduu warku ku saabsan yahay laba dhinaca waa in labadaba lagala xidhiidho waxay ka qabaan arrinta, si loo ilaaliyo dheelitirka. (Both sides). 6) si weyn uga fiirso isticmaalka eryayada xiisaha u yeela warka. Sida, siyaasi miisaan weyn leh, hogaamiye aad looga dambeeyo, odayga ugu caansan, gabadha ugu cod macaan, ciyaaryahaynka ugu fiican, i.w.m. FIIRO GAAR AH: haddii cidi ay mutaysatay oo la siiyay abaalmarin ah inay cod macaan tahay waa in loogu yeedho codkaa macaan ee ay ku guulaysatay. Tusaale ahaan: ciyaaryahanka ugu fiican ee gobolka aad joogto waxa ku guulaystay Siciid jaamac, markaa waa inaad tidhaa “ ciyaaryahanka ugu fiican ee gobolka hebel siciid jaamac ayaa nagu soo booqday xarunta iddaacada SHabeele maanta, waxaanu ka qaadnay warysi. Eryadani waa qaar xiiso u yeela warka, laakiin si ka fiirsi leh u adeegso. ( let the fact speaks). Tusaale ahaan. Waxaad tidhi” waxa magaalada laascaanood soo gaadhay siyaasiga ugu miisaanka weyn siyaasiyiinta goboka sool. Ma adigaa miisaanka saaray? Xageed ka keentay miisaanka aad isticmaashay? Yaa sheegay inuu ka miisaan weyn yahay kuwa kale? Waa su’aalaha kugu noqon kara qaar aanad u helin jawaab lagu qanco. Dadka u sheeg runta, ka ilaali jahawareer ka qaadaan warkaaga. (No false pretences). Marka sixitaanku aanu waxba tarin. (damage cannot be repaired). Weynu ka soo hadalay, sida loo sameeyo sixitaanka, balse waxa jira mar aanu waxba tarin. Tusaale ahaan: suxufi ayaa noo sheegay war uu maqlay oo ku saabsan dagaal dhacay, sidii uu sheegay ayaa loo faafiyey iyadoo aan la hubsan. Waxa ka dhashay warkii in shan qof lagu dilay’ dagaal aargoosi ah”. Waayo dadkii waxay aamineen in warku run yahay. Ka dib suxufigii ayaa mar dambe ogaaday inuu warku been yahay. Sixitaaka iyo raalliglintu ma soo celin kartaan shan qof oo dhintay, loona dilay warkii beenta ahaa ee la faafiyey. Tani qof kastra way ku dhici kartaa, markaa waxa qurux badan inaad iska hubsato warkaad sheegayso inta aanu khasaare ka dhalan, adigana aanu dambi maxkamadeed ku galin. Dillapress.co

Ka wartebinta dagaalka iyo khilaafaadka. ( Reporting war and conflicts)

Hordhac Marka laga wartebinayo dagaalka iyo khilaafaadka, waxa ahmiyad weyn la siinayaa, wararka, warbixinaha, xogaha iyo macluumaadka. Waa inay noqdaan qaar sugan oo si weyn loo hubiyey, looma eego miisaanka iyo isudheelitir. Waa inay ku ladhan tahay cadaaladdi. Dadku waxay rabaan runta meesha taal. Guud a haan, waxa ynu u qaybinaynaa shan qodob, oo kala ah: a) kaalinta weriyaha ( journalist’s role) b) fahmidda khilaafka ( understanding the conflicts) c) ka wartebinta dagaalka ( reporting the war) d) ka wartebinta masiibooyinka ( reporting disasters) bal aynu mid, mid u sharaxno. a) kaalinta weriyaha (journalist’s role) ka soo qaad sidii adigoo ka waramaya ciyaar kubadda cagta oo laba kooxood dhexmarysa, oo aad isku dayaysid inaad dhexdhexaad ka ahaato, adigoo aan shaaca ka qaadayn dhinicii aad taageersanayd. Dadka ku dhegaysanaya ama ku daawanayanaya u muuji inaad tahay suxufi dhexdhexaad ah. (Neutral journalist). Waxa sidaasi la mid ah ka wartebinta dagaalka oo ka khatar badan. Marka goob dagaal aad joogto, warbixinta ugu horaysa waa inay noqoto wixii aad argtay ama aad maqashay. (What you see and hear).maaha kaalinta weriyuhu inu kala xukumo saxda iyo khaladka, runta iyo beenta ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inu ergo ka noqdo meesha. Waxa aad iyo aad mihiim u ah inaad fahanto kaalintaada aad meesha ku leedahay. Waxa kaliya ee aad meesha u joogtaa waa inaad ka wartebisid aragtida labada dhinac, wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira. Si weyn isaga hubi afka iyo eryada aad isticmaalayso inaanay dhaawacayn labada dhinac. Si gaar ah uga digtoonow waxa la yidhaa xogaha iyo macluumaadka ka soo baxaya dagaalka, ee ay kala sheegnayaan labada kooxood. Toos u soo xigo wixii ay sheegeen labada dhinac. (Direct source). Mar kasta muuji feejinaan dheeraad ah, waayo waxaad tebinaysaa waxay saamayn ku yeelanaysaa qaabka uu dagaalku u socdo iyo natiijada dambe. (Last stage impact). b) fahmidda khilaafka ( understanding the conflict). Inta aanad tegin goobta dagaalka ee aad ka soo waramaysid, waa inaad sii samaysaa baadhitaan qoto dheer oo ku saabsan taariikhda khilaafka, is weydii su’aalahan. Sidu khilaafku ku yimid?, halka uu ka bilaabmay?, sababta keentay?, inta heer ee uu soo maray?, shakhsiyaadka ku luglaha?, inta xal ee la isku dayay in lagu xaliyo?, baaxada uu leeyahay?.iwm. (Background information). Markaad jawaab u heshid dhammaan su’aalaha, waxaad u gudbi kartaa inaad u xamaan urursato goobta aad tegaysid. Waxa intaasi ku soo raaca inaad haysato qalabkii aad la tegaysid meesha sid, rikoodh, cajalad(personal tool), si aad ugu warysato haddii aad fursad u heshid. Ma wadataa magacyada hogaamiyeyaasha iyo afhayeenada kooxaha. (Names and titles). c) ka wartebinta dagaalka ( Reporting the war). Waxa la yidhi “ khasaaraha ugu weyn ee dagaalku waa runta”. (First casualty of war is the truth). Marka laga wartebinayo goob dagaal waxa la raacayaa qodobadan hoos ku qoran: 1) marka war laga dirayo meel dagaal ama cadaawadi taal, waxa warka laga dhigayaa wuxu weriyuhu arkay ama maqlay.( sees and hears). Laguma darayo faaqidaad iyo faallooyin, iyo wax aan la hubin. Falanqaynta waxa loo dhiganayaa marxalada dambe. (Later stage). 2) arrimaha la isku khilaafsan yahay waa in si taxadir badan la isugu dheelitiro, iyadoo hadal kasat la sheegayo cidii tidhi ee loo cuskanayo. (Original sources). 3) xaaladaha aad khatarta u ahi, waxay muujiyaan war xiiso badan, markaad warkaasi sheegayso waa inaad sheegto halkaad warkan ka soo xigtay. (Accurate sources). 4) haddii aad joogto meel xabada habawga ahi ka soo gaadhayso, waa inaad doonataa meel gabood ah si aanay kuugu dhicin xabadu. (Under cover area). 5) waligaa toos ha u dhexgalin laba kooxood oo dagaalamaya, waxa dhici karta inay kugu dhacdo xabada ay is dhaafsanayaan labada dhinac.( never place yourself in danger). 6) marna waa inaanad u muuqn in aad qayb ka tahay dagaalka, oo aad wax kaga jirto. Hana u eekaan kooxaha dagaalka ku wada jira, sida adigoo xidha dhar tuute ah. (Way of dressing). 7) waa inaad ka bixi karto meelaha khatarta badani ka jirto, haddii meeli kaa soo xidhanto waa inaad haysataa meel kale oo aad ka baxdo kana ammaan badan.( escape area). 8) ha iska fadhiyin khatar badan, adigoo doonaya inaad qaado sawir fiican ama cod duubaya. ka fikir ammaankaaga. (Get out of danger). 9) marka goob-dagaal la joogo runt waa shayga loogu neceb yahay. Suxufiyiinta la laayo waxa loo dilaa laba sababood: (a) suxufi loo dilo dhexdhexaad maaha oo dhinac kale ayuu la saftay. (Unprofessional journalist). (b) suxufi loo dilo muxuu runta u sheegayaa oo ciidankayaga laga adkaaday aynu sheegayaa. (Professsional journalist). Markaa ha ka shakiyin waxa laguu dili runta, laakiin naftu waxay leedahay wakhti ilaahay ugu talogalay inay dhimato. Runta ku dhimo. 10) mar kasta maanka ku hay ammaankaaga. Nafta qofka oo la gooyaa waa dambi weyn xaga ilaahay. (Your own safety). d) ka wartebinta masiibooyinka ( reporting disasters). Marka ay dhacaan masiibooyinku dadka badankiisu way ka mashquulaan xaga maskaxda. (Confusion). Inta badan waxa dhaca jahawareer iyo is dhexyaac, xitaa goob joogayaasha ayaa mashquul noqda, oo waxay ku siin karaan warar is khilaafsan, ( conflicting versions). Marka laga eego dhinaca xaqiiqada. Markaa waxa loo baahan yahay taxadir badan. Marka laga wartebinayo masiibooyinka waxa la raacayaa qodobadan hoos ku qoran: 1) waa in weriyaha loo dirayo inu ka soo waramo masiibooyinku uu ahaado mid calool adag oo marku arko dad fara badan oo dhintay aanu khalkhalin. (Easy shock). Yaan warbixintaada laga dareemin cabsi iyo argagax. 2. suxufiyiinta ka waramaya masiibooyinka waa inay warka toos u helaan.( getting the facts straight). Haddii ay soo xigtaan war waa in la hubiyaa markast. In goobta la tago ayaa ugu fiican haddii la heli karo. 3) wajiga hore ee war ka dirida masiibooyinka waxa si gaar ah muhiimad u leh ilaha warka. (First stage). Qiyaasaha ugu horeeya ee khasaaraha waxa ugu badan war aan sugnayn oo la qiyaaso. Haddii aad heshay dhawr war oo kala duwan, waxaad dooran kartaa midka xambaarsan masuuliyada ugu weyn. Tusaale ahaan. Waxaad soo qaadanaysaa warka uu sheegay qof madax ahi. (Greatest authority). 4) haddii warkaaga laga shakiyo, waa inaad markasta sheegto halkaad dhab ahaantii ka soo xigtay.( specific attention). 5) haddii aad war ka raadinayso dad dhibaato gaadhay, waa inaanad ku kadeedin inay warysi bixiyaan. Dadka xaaladoodu xun tahay dhib kale looma geysanayo. (Worsening the condition) 6) haddii aad tagto meel ay masiibo ka dhacay, oo aad ka soo waramaysid , waxaad mar kasta la socotaa saadaalaha soo socda ee laga yaabo inay dhacaan. Tusaale ahaan. Waxaad joogtaa goob uu ku dhuftay dhul-gariir, ka dib laanta qaabilsan saadaasha ayaa sheegtay in shanta saacadood ee soo socda uu dhici doono dhul-gariir baaxad weyni, markaa waa inaad ka warhayso taasi, si aanay kuu galaafan dhibtaasi. (Open your eyes). e) soo bandhigida warka labadiisa dhinaca ( balancing the news). Sidaynu hore ugu soo sheegnay casharadii dhexdhexaadnimada, waa in wax kasta oo aad sheegayso dhexdhexaad ka ahaato waa shaqooyinka ugu mihiimsan ee saxaafaddu ku taagan tahay. Bal aan qaar ka xusno: 1) warka waxaad u soo bandhigaysaa qaab u cuntama labada kooxood ee cadaawadu ka dhexayso.( neutral way). 2) erayada iyo luuqada aad isticmaalaysaa waa in aanay dhaawcayn labada kooxood. (Keep your words). 3) hubi hadalada, magacyada , xilalka, darajooyinka ay leeyihiin dadka aad soo xignaysaa. ( check the titles). 4) hadalka asalka ah soo xigo oo dadka maqashii. (Original sources). Waayo dadweynuhu waxay xiisaynayaa hadalada dadka is haya. 5) marna ha soo bandhigin huuhaada ama xanta suuqa la isla dhexmarayo. (Rumors news). Wax kasta ku salee runta. 6) ma la hubaa inay hadalkan yidhaaheen?, Goorma?, halkay ka sheegeen?, maxaad u cuskanaysaa?, cadayn ma u haysaa?, bal na maqashii ama na daawadsii hadalkoodii?, ( basic question). Jawaabaha su’aalahan waa inaad haysaa marka hore. 7) koox kasta ugu yeedh magacooda , marna ha isticmaalin erayada ay ku soo halqabsadaan kooxaha is hayaa. Sida, koox argagixiso ah, kooxo canaasiir ah, kooxo xagjir ah.iwm. (Call their names). Dillapress.com

Warbaahinta iyo dadweynaha (media and the people)

Dadweynuhu waa kuwa sida joogtada ah xidhiidh ula leh warbaahinta. Waa saaxiibada ugu dhow goor kasta, gaar ahaan wakhtiyada warbaahinta lagula kaco meel ka dhacyada. Waa inaad mar kasta ku fikirtaa maxay dadweynuhu kaa sugayaan, maxay xiiseeyaan, maxay jecel yihiin inay arkaan, maqalaan ama akhristaa. qormadan waxaynu u qaybin doonaa saddex qaybood oo kala ah: A) dhegaystayaasha ( audience) B) daawadayaasha ( viewers) C) akhristayaasha ( readers) aan qobob kasta faahfaahino. A) dhegaystayaasha ( audience) marka hore waxa fiican inaad ogaato cida ku dhegaysanaysa, markaad taasi fahanto, waxaad u diyaarinaysaa waxay u baahan yihiin. Waxaad ka ilaalisaa waxay neceb yihiin. Haddii kale waxaad luminaysaa dhegaystayaal badan. Qodobadan ayaa la raacayaa: 1) dhalinyarad: waxa loo diyaarinayaa barnaamujyada ay aadka u xiiseeyaan sida ciyaaraha, heesaha, aflaanta jacylka ah iwm. ( youth needs) 2) Waayeelka: waxa loo diyaarinayaa barnaamujyada khuseeya noloshooda sida wararka, caafimaadka iwm. ( old needs) 3) Qoraallada idaacadda loo qorayo waa inay ahaadaan qaar dadku si dhib yar u fahmi karaan, oo aan noqon kuwa mugdi ku jira. Waxa la yidhi “ waxaad wax u qoraysaa dheg, markaad idaacad wax u qoraysid.” Waxaad sawir ku muujinaysaa waa eryayo. Dadku dantooda ayey raacayaan ha moodin inay mar kasta sugayaan idaacadaada. ( Aiming for ear) 4) Dadka dhegaysta idaacaduhu, waxay fursad haystaan hal mar oo ay dhegaystaan idaacad, haddii ay wax dhaagaan awood uma laha inay soo ceshadaan wixii dhaafay. Taasina waxay horseedi karataa inay niyad ahaan kaa jeestaan, Markay wax dhaafaan. ( no chance of repeat) 5) Haddii dhegaystayaasha la maqashiiyo barnmaamuj ay ku jirto naxdin iyo werer, waa in aan lagaga tegin iyagoo ay maskaxdooda ka guuxayso welel iyo niyad-jab, balse waa in loo gudbiyaa kaalmo ama talooyin ay ku farxaan (Don’t leave worry, give help) 6) hadalka ha dedejin: hadalkaagu waa inuu noqdo mid hufan oo aan boobsii ahayn, kala saar erayada oo uu hadal sidii adigoo qof aan waxba garanyn wax u sheegaya. Isticmaal erayo si fuduf loo fahmayo. Idaacaduhu waxay u baahan yihiin suxufi cod macaan leh. (Golden voice). 7) Marka warbixin la sheegayo .Sida wax loo bilaabo: waxa lagu horaynayaa. (A)sida ay arrintu ku bilaabmatay (b) tafaasiisha waxa dhacaya (c) inta heer ay soo martay (d) ugu dambaysta waxa laga yaabo inay dhacayaan. (How to start). 8) Wax asturaada : waa inaad masuulid gaar ah iska saarto oo aad asturto magacyada, waraaqaha , E-mail ada iyo wixii kale ee ay kuu soo diraan dhegaystayaahu. u sheeg inay ahaan doonaan kuw sir ah oo cid kale aan la siinayn. (Privacy). 9) Ha isku bogin: waligaa ha isku qufulin in cid waliba ku dhegaysanyso, xitaa haddii idaacadaadu tahay mida kaliya ee ka jirta dalkaasi ama deegaan kaasi. Dadku way kaa wareegu karaan, oo wailba cajalad muusigah ayey dhegaysan karaan. Waxa kale oo aad maskaxda ku haysaa tartanka ay warbaahinta caalamku ku wada jirto wakhtigan. Qaybaha bulshada way kale duwan tahay baahi doonadu. cid kasta ka fikir waxay rabto. (Think your audience) 10)qorsha barnaamijyada : waa inaad maank ku hayso in dadka oo dhami isku wakhti dhegeystaan idaacadaha. Qof kasta wuxuu furtaa idaacada xilliga uu haysto wakhti iyo firaaqo, sidoo kale wuxu dhegaystaa barnaamijka uu xiisaynayo ama uu jecel yahay. Isku dheelitir barnaamiyjada, si dadka badankiisa loo kasbado. (different taste). B) daawadayaasha ( viewers). Waa inaad ogaato cida ku daawanaysa, ka dib waxaad u diyaarisaa waxay jecel yihiin ama dookhooda ah. Bal ka fikr qodobadan. 1) suxufiga telefishaanka war ka baahinya waa inuu muuqaal fiican leeyahay. (Good personal appearance). 2) Dhalinyarada: waxay jecel yihiin ciyaaraha iyo heesaha, markaa waa in loo diyaaroyo baahidooda. 3) Muuqaal fiican oo sawiro leh, ayaa laga rabaa barnaamuj kasta. Hadday sawiradu noqdaan qaar bilaa tayo ah, waxay keenaysaa niyad-jab. (Interesting photos). 4) Haddii daawadayaasha ay daawadaan barnaamuj xambaarsan naxdin iyo walbahaar, waa in aan lagaga tegin. Xaaladaasi, balse waa in la siiyo tallooyin ka bi’ya walaaca iyo wererka. ( don’t leave worry and sad) 5) Sawirada isku midka ah ee la soo celceliyo, waa qaar ay daawadayaashu ku caajisaan, oo ka jeedin kara daawashada, aad uga taxdir sawiro dhawr jeer soo noqnoqda. ( permanent repeat clips) 6) Ilaali wakhtiga wararka, ciyaaraha, riwaayadaha iyo casharada diiniga ah iwm. Hadday dib u dhacaan, ka bixi raaligalin una balanqaad in aanay dib u dhacayn. Ama laga taxadiri doonoo wixii dambe. (Correction system). C) akhristayaasha ( readers) marka dad wax loo qorayo, waxa loo baahan yahay in wixii la qorayo, si fudud loo akhristo loona fahmo. Bal qodobadan ka fakir. 1) suxufiga qoraal u diyaarinaya wargeys, waa inuu yeesho xirfada qoraal fiican uu ku qori karo. Oo marka la akhrinayo si fiican loo raaco ilaa laga dhamaynayo akriska. (Interesting never ends). 2) Waxaad erayo qoraal ah ku sifaynaysaa shayga aad dadka u sheegayso. Isticmaal erayo dadku kula fahmayo, oo micnahoodu cad yahay. (Clear words). 3) Waligaa wax ha ku qorin erayada suuqdiga ah, waayo dadweynuhu kulama fahmayo.haddii aad isticmaasho waxaad wax u sheegaysaa waa dad kooban oo suuq-joog ah. Tusaale ahaan. Maalin dhawyd wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa qoray war noocan ah “ masuul madaxtooyada ka tirsan ayaa gidaar u dhiibay koox salaadiin ah.” Waa arrin yaab leh, yaa la fahmaya hadalka suuqdiga ah. Ma dadka suuqa jooga ayuu wax u sheegayaa mise dadweyne kale duwan.waxa la adeegsanayaa waa erayada dadka caadiga ahi ku hadlaan markay sheekaysanayaan. (Normal words). 4) erayo suuganeed : ka fogow erayada ay wx ku qoraan suugaanyahannaduu, waayo waxa kula fahmaya oo kaliya waa abwaanada iyo bahda suugaanta. Gabayada waxa ka buuxa erayo ad-adag oo micnahoodu adag yahay, haddii wax lagu qorana fahmkooda adag yahay. 5) qormo aan mugdi ku jirin: qormada aad qorayso waa inaad ugu talogasho qof keli ah, marna ha ku fekerin in aad koox ahaan wax u qorto. Markaad qof keliya wax u qortid, akhristuhu wuxu dareemi doonaa sida saaxib isaga toos ula hadlaya. 6) Qoraal khudbad ah : marnaba yaan qormadaadu u dhedhemin sidii khudbad fagaree lag jeedinayo. Waa inay yeelato, bar bilow, fasiraad, ugu dambayn ama natiijo. Iska jir qoraal dheer oo lagu daallo, oo waliba qaab liita u qoran. 7) Ku dedaal in mar kasta, inuu yeeluhu ka soo horeeyo la yeelaha. (Active voice). Tusaale ahaan Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cuna qabtayn xagga hubka ah ku soo rogay soomaaliya. Iyo marka la yidhaa. Soomaaliya cuna qabatayn xagga hubka ah, ayaa waxa ku soo rogay golaha ammaanka ee qaramada midoobay. Waxa sax ah qormada hore. Dillapress.com

Baro la soco buuga saxaafada Shaqada weriyaha (duty of journalist)

Baro la soco buuga saxaafada Shaqada weriyaha (duty of journalist) April 19, 2014 Written by Abdullahi Published in Qoraalada (Qormooyin) Sida aan hore usoo sheegnay wariyuhu waxa uu qabanayaa sadex arimood · in uu dadka wax baro · in uu dadka maaweeliyo · in uu dadka wargaliyo Qodobkan labaad ee ah in dadka la maaweeliyo waa mid waayahan danbe aad u sii kordhaya waxa aad arkaysaa telefiishanno kawarramaya maaweelo kaliya,waxa ay ku badanyihiin yurub iyo maraykanka Waxyaabaha caamka ah ee weriyaha laga rabo · Tegidda meeshii war ka jiro ama lagula balamay. · Baadhista wararka iyo ra’yiga kala duwan. · kala saarista wixii sugan iyo xanta suuqa laysla dhexmarayo. · waxa ay balansadaan dadka ay wararka ka helayaan ee ay xidhiidhka la leeyihiin. · in wararka iyo sheekooyin ku salaysan xaqiiqda loo dhigo si loo fahmikaro. wixii mugdi ku jirana laga saaro. · waa in lakala ilaaliyaa war bixinaha aad soo heshay iyo waxaa aad aaminsantahay. ka madaxbannee fikirkaaga, waxa aad meesha u joogtaa in aad tabisid waxaad aragtay ama maqashay. Wararka iyo qaybihiisa ( news and its parts). Hordhac. Waa maxay war? What is news? War waa wax cusub isbedel leh oo la danayn karo. Waa inuu yeesho ahmiyad iyo soo jiidasho, xiiso gaar ahi ku ladhan yahay (more interested). Waxaynu u qaybin doonaa kuwan soo socda: 1) qaybaha wararka ( news parts) a) War xambaarsan dhiilo culus ( hard news) b) War aan xambaarsanayn dhiilo culus (soft news). 2) Shuruudaha warka laga rabo( conditions). Oo kala ah: a) raad-reeb( impact) b) muhiimada( significance) c) dhawaansho( proximity) d) dhakhso( immediacy) e) la yaab-lama filaan(surprise) f) isbedel (change). 3) Kala horaysiinta warka( first to first). Bal aan sharax guud ka bixino mid kasta: 1) Qaybaha wararka (news parts). a) war xambaarsan dhiilo cuslus ( hard news). Waxay noqon karaan qaar imika dhacaya ama qaar hore u dhacay oo wax ka soo cusboonaaday. Aynu soo qaadano qaar ka mid ah: =shilalka, masiibooyinka (disasters). Sida, dhulgariir, duufaan, dab meel ka kacay, doorashooyinka, shirweyne caalami ah, ama mid gobol ah, dagaal weyn, ama dagaal kooban. Iwm. b) war aan xambaarsanayn dhiilo culus ( soft news). Waa war ku saabsan arrimo aan culus weyn lahayn, waxay noqon karaan qaar dadka ka qosliya, iyo qaar dadka murugo geliya. Tusaale ahaan. Madadaalo, maaweelo iyo kaftan oo xiiso iyo majaajilo ku ladhan tahay. Iwm. Waxa kale oo ka mid ah: waxyaabaha mucjisada ah. Sida, nin masas badan ku dhex jira, oo aanay cunayn. Qof jidhkiisa ay ka dul buuxdo shinni aan cunayn.iwm. 2) shuruudaha warka laga rabo ( conditions). a) Raad-reeb ama saamayn (impact). Warba warkuu ka weyn yahay ayuu dhegaystayaasha, akhristayaasha iyo daawadayaasha raad ku reeba. Wuuna ka saamayn weyn yahay. (More impact). Waxayna la iman karaan inay saameeyaan isbedel nolosha ah amma duruufaha dadweynaha. Dadweynuhu wuxu aad u xiisaynayaa saamaynta uu ku yeelan karo deegaankooda ama dalkooda. (Regional impact). Reed-reebku wuxuu noqon karaa mid samo iyo xumaanba leh. Dadku waxay jecel yihiin inay ogaadaan waxyaabaha khuseeya noloshooda. b)muhiimada ( significance) kolba warka loogu horaysiinayaa ama ahmiyada la siinayaa, waxay ku xidhan tahay inta u miisaankiisu yahay. Tusaale ahaan. 10,000 oo qof oo ku dhintay dhulgariir. Waxa uu ka muhiimsan yahay 10,000 oo qof oo khatar ugu jira dhulgariir, ka dib markii dhulku sameeyay dhaqdhaqaaq aan xoog badnayn (less impact). Markaa waxaad muhiimada siisaa hadba inta culaysku yahay. c) dhawaansho ( proximity). Dadku badankoodu waxay jecel yihiin inay ogaadaan ama war ka helaan waxyaabaha ka dhacay deriskooda. Ka dib waxay ka fikiraan waxyaabaha ka soo gaadhaya ee noloshooda khuseeya. (Close to home). Dhawaanshuhu wuxu noqon karaa mid ku dhisan juquraafi ama mid bulsho, kuna xidhan taariikh, dhaqan iyo diin. Tusaale ahaan. Haddii aad joogto dalka jabuuti waxa kula jaar ah, Ethiopia, Somaliland iyo Eritrea. markaa wixii ka dhaca dalalka deriska aad tihiin wuxuu kugu yeelan karaa saamayn, waayo way kuu dhaw yihiin. Laakiin waxa ka dhacaya dalka shiinaha waxa kaaga xidhani wuu yar yahay, waayo wuu kaa fog yahay. (Far-off country). Mar kasta waxa loo eegaya, intee ayuu u jiraa dhageystayaasha, akhristayaash iyo daawadayaasha, degaan ahaan iyo ab ahaan ama xidhiidh ahaanba?. (Relevant to their social life). Waxa kale oo mihiim ah, in dadku maqlaan dad ay isku hayb yihiin oo dal kale wax ku qabsadeen. Soomaaliddu waxay xiisaynayaan haddii ay maqlaan dad soomaali ah oo ay dhacdo ku qabsatay dal shisheeye. d) dhakhso ( immediacy). Warka waxa kale oo lagama maarmaan ah inu yahay wax imika dhacay, oo aan hore loo maqlin (new events), waa tii hore loo yidhi” war la qabaa xiiso ma leh”. Dadku waxay aad u xiiseeyaan warka imika dhacay. Waayo haddii aanay sheekadu cusbayn war ma aha. Warku waxa weeye wax aanay dadku hore u ogayn. e) la-yaab ( surprise). Waxyaabaha warka xiisaha u yeela waxa ka mid ah inu mararka qaarkood noqdo la yaab. Tusaale : tifaftire wargeys maraykan ah. Oo la yidhaa John B. Bogart ayaa waxa uu yidhi” marka ey uu qof qaniino oo uu eygu wax qaniino war ma aha, laakiin marka uu qofku eyga qaniino, waa war”. Warkaasi wuxu noqon karaa mid xiiso sare leh. Waayo waa shay cusub oo aan hore loo arag qof ey qaniinay. La soco.... Qaybaha kale sabtida iyo salaasad. Waa Barnaamij taxane ah. DillaPress

Qoraal u diyaarinta idaacaddaha. (writing for radios)

Dadweynaha waxay idaacadaha dhegaystaan iyagoo shaqooyin kala duwan qabanaya, oo ay ka mid tahay, xafiis shaqo, gaadhi wadis, cunta karin, dhar maydhis iwm. Hordhac Dadweynaha waxay idaacadaha dhegaystaan iyagoo shaqooyin kala duwan qabanaya, oo ay ka mid tahay, xafiis shaqo, gaadhi wadis, cunta karin, dhar maydhis iwm. Waxaad dagaal kula jirtaa sidii aad u khasban lahyd dareenkaooda, taasina maaha wax sahlan, hadaad khasban weydo, way kaa jeesan karaan. Khasab maaha inay ku dhegaystaan. Qormadan waxaynu u qaybin doonaa shan qaybood: 1) waxaad wax u sheegaysaa waa dheg ( writing for the ear) 2) dareenka dadka sida loo hanto ( to attract the attention) 3) hordhacyada ( cues) 4) codeynta barmaamijyada ( voicing) 5) habeynta xidhmooyinka ( package) BAL aan qodob kasta sharaxno: 1) waxaad wax u sheegaysaa waa dheg ( writing for the ear) marka aad tahay suxufi ka hawgala idaacad waxaad marka hore fahantaa inaad dadweynaha aad la hadlaysaa ay yihiin dhegaystayaal, balse aanay ahayn dad ku arkaya. Waxaad l maacaamilaysaa waa dhego bili?aadama. (Listener?s ear). Hadaba waxaad u baahan tahay inaad isticmaalsho erayo dheguhu fahmaan, oo aan laga xiiso go?yn. Dhegaystuhu wuxu fursad u haystaa in hal mar ku maqlo, waayo wixii dhaafay dib uma soo ceshan karo. (Cannot repeat) Dhegtu maxay u baahan tahay? (Needs) = hadal macaan oo la fahmo = erayo gaa-gaaban = hadal aan deg deg loo odhan = erayada dadka caadiga ahi isticmaalo = hadal ujeedo iyo ka-jeedo leh = hadal khaladka raaligalin ka bixiya = hadal-yaqaanimo dadka wax ka dhaadhiciya = hadallo madadaalo iyo murti leh = hadallo lagu raaxaysto maqalkooda. 2) dareenka dadka sida loo hanto ( to attract the attention) si aad u soo jiidato dhegaystayaasha . raac qodobadan: a) isticmaal erayo gaa-gaaban oo fudud ( simple words) b) isticmaal erayo micnahoodu cad yahay ( clear words) c) fududee tirooyinka. Sida ?199 ?waxa ka fiican ku dhawaad 2 boqol. ( simplify figures) d) iska jir erayada la soo gaabiyo. Sida, UN, EU, AU, I.A.E.A. isticmaal qaramada midoobay, midowga yurub iwm. ( aviod abbreviations) e) khalad haduu kaa dhaco raaligalin ka bixi. ( quick apologize) f) hadalka ha dedejin, si hufan oo laguu fahmo u hadal. Kala saar hadalkaaga. (Clear talk). g) Erayo qalaad marna ha isticmaalin, waayo dadku kulamo fahmayo. ( frogien words) h) Dhiiragali dadka, una sheeg inay wixii tal, tusaale iyo toosin ahba kuu soo diraan, hadday hayaan. ( support your listeners) i) Sheeg meelo ay kaala soo xidhiidhaan. (Contact area). Sida, tilifoon, ciwaan internet iwm. 3) hordhacyada ( cues) hordhacu waa halka ugu mihiimsan, ee lagu soo jiidan karo, dhegaystayaasha. Haddii hordhu xumaado ama noqdo mid aan soo jiidan dhegaystayaasha waa wax aan dhacayn inuu dhegaysto barmaamijkaaga. (First chance) waxa la raacayaa qodobadan: 1) warbixina loo samaynayo hordhac codeysan, waxay u baahan tahay: (a) halku-dhiga sheekada. (b) magac weriyaha iyo halkuu joogo. © cida kala qayb qaadatay. 2) hordhacyada loo samaynayo warysiga wuxuu u baahan yahay: ( a) in dhegaystayaasha la baro cida la warysanayo. Sida, magaciisa oo seddexan, derejadiis, xilka uu hayo. Iwm ( b) goorta uu bixi doona ama hawadagalin doona. 3) hordhacyada sheekooyinka dheer, wuxuu u baahan: (a) taariikhada sheekada oo kooban. ( b) imisa weji ayey leedahay, oo kooban. ( c) imisa weriye ayaa isku-dubariday. Hordhacyada qaabkan u soo bandhig. ( a) dooro erayo xiiso leh, oo dhegaystaha kuu soo joojiya. ( b) noqo qof firfircoon, oo nooleeya hordhacyada, ka ilaali caajiska. (Active way) ( c) adeegso erayo macaan, oo dhegaystayaasha soo jiita. (More intersting) ( d) hordhacyadu sheekadu oo dhan ma sheegaan, balse waxay iftiiminyaan waxa soo socda. Iska jir inaad sheekadii oo dhan wada sheegtid, tani waa khalad weyn, oo laga galay sheekadii. Cida hadhow ku dhegaysanaysaa ma jirto ileyn waadigan wada sheegay wixii oo dhan. (Don?t give the whole story) ( e) iska jir hordhacyada aan ku haboonayn warbixinta, haddii kale dhegaystayaasha, way ku adkaanaysaa inay fahmaan waxa soo socda. (It must match the report) ( f) haddii hordhacyada lagu bilaabo dhawaq, waa in la sheego wuxu yahay dhawaqaasi, si dadku kuula jaan-qaado oo aan loo jaha-wareerin. (Don?t confuse the listener). 4) codeynta barnaamijyada ( voicing) BAL qodobadan eeg: a) warbixinta dheer: waa in ay ka qaybgalaan dhawr weriye oo ay codeeyaan. b) Codka keliya: haddii warbixinta lagu maqlo cod keliya oo hal suxufi akhriyo waa lagu caajisaa ( single voice) c) Codeynta: waa in lagu daro, taariikhda dhacdada, xigasho, lafagurid, sharaxaad iyo qurxin. ( more details) d) Iska jir inaad ku darto ra?yigaaga. Waayo taasi waxa loo dhaafayaa faallada dambe. ( aviod your opinion) e) Cod la fahmi karo: marna yaan la ogolaan in la duubo cod aan la fahmi karin. Sida, cod xabeeb leh, cod go?goya, cod tashuush ku furan yahay iyo cod buuq leh. Iwm (unclear voice). 5) habeynta xidhmooyinka ( package) habeynta xidhmooyinka waa shayga ugu mihiimsan ee looga baahan yahay cida gacanta ku haysaa xidhmooyinka. Waa in laga helo, qoraalka weriyahay, codad, muusiga, warysiyo gaa-gaaban. Iwm. Qodobada la raacayo: a) ururso dhammaan, wixii aad u baahnayd. Sida dadka ka qaybgalaya, qaab dhismeeka, codadkii loo baahnaa. Iwm. ( collect all needs) b) dooro mowduuc: sii baadh, inta weji ee uu leeyahay. Waa omii ahaado mid xiiso badan, oo dadka soo jiita. ( right topic) c) waa iuu ahaado mid isu dheelitiran: soo bandhig fikridaha macqullk ah, oo dhan ee arrinta la xidhiidha. Iska jir inaad adigu u hadashid dhinaca kale, iyagu ha ka hadlaan.( balanced package). d) Qaab xiiso leh: adigoo adeegsanaya codod, muusig, warysiyo gaa-gaaban iyo xigashooyin xiiso leh. Laakiin sheeg waxa cad oo aan jaha-wareerin dhegaystaha. (interesting and relevant) e) Xaga hore: waxa lagu bilaabayaa muusiga astaan u ah barmaaujka. Waxa kale oo lagu bilaabi karaa codka weriyaha, si loo muujiyo masuuliyada weriyaha. (To create good atomsphere ). f) Dadka aad warysiga aad ka qaaday u sheeg in lagu darayo barnmaauj, lagana dhigayo qaar gaa-gaaban oo la jar-jarayo. Haddii aad u sheegi weydo, waxa dhaci karta inuu la-warystuhu ka xanaaqo markuu maqlo warysigiisii oo la jar-jaray. g) Waxyaabo badan ha duubin: iska jir inaad waxyaabo tiro badan aad duubato, waxay noqonaysaa wax lagu caajiso. Mihiimadu farabadnaan maaha, laakiin waa hadba qaabka loo dhigo iyo isku-dubaridid. (The best way). Dillapress.com Follow @dillapress

Daawo Wasiir Samaale Qisadaydu waa tii Nabi Yusuf.Xaaska Siilaanyo oo jeclaatay

HARGAYSA-(Dillapress.) Halkan waxaan idiinku haynaa Qiso Cajiiba oo jaceyl ah oo ka dhacday magaalada Hargaysa Qaas ahaam Aqalka Madaxweynaha Ismaamulka Somaliland., Siilaanyo. Qisada Jaceylka Xaaska Siilaanyo Uqaaday Wasiir Samaale ee sosobay in Xilka laga qaado. kadib markii loo geeyay Siilaanyo hadal laga duubay wasiir Samaale oo leh islaantu iyadaa i rabtay oo tiri odaygu gogoshii ayuu gabay ana waan ka diiday inaan gogol dhaaf la sameeyo "Qisadaysu waa tii Mabi Yuusuf" saas waxa yiri Wasiir Samaale oo Naagta Siilaanyo xoogi gaartay,Cajiib Aamina Waris mudo badan Jeclayd Samaale ayaa diiday inuu gogol dhaaf la sameeyo taasi waxeey sababtay iney Aamina Odaygeeda Siilaanyo ku tiraa wuxuu Cabdi Casiis Samaale igu yiri "Anaa ku guusa sanayee Fur siilaano” Samaale qofkii la hadlaayay oo dumar ahaa wuxuu ugu jawaabay -Islaantu iyadaa cabaneysay oo laheyd Odaygii qalaas waa ka dhamaatay oo rajo sariir kama qabo ,anigana waa ka diiday macsi maxaa yeelay nin Ahludiina ayaan ahay Samaale oo ka sheekeeynaa arrimahaas ayaa laga duubay kadibna waxaa loo geeyay Aamina iyo Siilaanyo. Hadalka laga duubay samaale oo sobob u noqday in xilka laga qaado. Sikastaba ha ahaatee,Cabdi Casiis Samaale ayaa qisada si maldahan uga sheekeeyay,wuxuuna meesha ku duray Wasiirad Zam Zam oo xantu sheegtay iney wax walba ka maleegtay daaha gadaashiisa si ay xilka Samaale ula wareegto

Qisadii Nabi Yusuf mid lamida Aamina Waris xaaska madaxweynaha Sl oo jeclaatay Cabdicasiis Samaale

Dillapress.com waxa ay aqristayaasheeda u haysaa qisadi jaceylka dhabta ahaa ee lamagac baxday Cadi Casiis Iyo Aamina Waris Siilaanyo oo Furi raba islaantiisa kadib markii ay jaceyl Xanuun badan u qaaday CabdiCasiis Samaale Aamina waris oo jaceyl la taagdaran ayaa waxa ay ku hadaaqday eryadan nafta muxubo guuniyo ku gadaan tay caashaqa waxse gubaye maankee ii liicin kar geeska gayigani fogaadiyo garashadan saboolkee hoheey laba geesood! Warar ka naga soo gaarata aqalka madaxweynaha ismaamulka Somaliland la magacbaxay ayaa waxa ay sheegayaan in jaceylka ay xaaska siilaanyo qaaday uu aad ugu sii balaartay heer ay gaartay in miisaankeedu hoos u dhaco iyada oo markii hore caga cagaynaysay 190 kg Ayaa waxa hada ay sii maraysaa 78 Kg. Arinta la soo daristay Aamina waris ayaa ah laba daran mid dooro Raqda sariirta kuu dultaala oo aad xafaayada ka badasho iyo inaad wadaadka xooga weynleh guursato. Aamina waris ayaa rabta inay iska furto raqda mana aha madaxdii ugu horeysay ee is fura tusaale ahaan hadii aan soo qaadano madax weynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa waxa uu furay xaaskiisa Lyudmila sanadkii 2014.laakiin siilaanyo ma rabo inuu ceeboobo waanu diidan yahay inuu furo. Cabdi casiis samaale ayaa ku daadiyay Amina waris markii hore waxaanay isku degday inay kubsato. Cabdi casiis samaale ayaa kadib markii xilka laga qaaday sheegay inuu bari yahay oo hadii khamiiskiisu dhabarka ka jeexan yahay inay xoogtay naagta siilaanyo qabo oo dib u qalqaali yoowaday sidii inan yar oo 15 jir ah, kadib markii uu siilaanyo noqday raq sariirta dultaala oo xafaayada uun ay ka badasho. Cabdicasiis samaale waxa uu tusaale si maldahan ugu soo qaadtay qisadii Nabi Yuusuf *CS * ee ahayd hadii khamiisku dhabarka ka jeexaan yahay iyada ayaa xoogaysay uu quraan ku sheegay. Taasi oo cadayn u ah qasidan jaceylka xanuunka badan ee wareemay Aamina Waris.Dad badan ayaa waxa ay u haystaan in la fadeexaynayo Aamina waris laakiin dadka yaqaanay waxa ay islamarkii xumaysanayaan in qisadan dhabtayay sobobtoo ah Aamina Waris dhaqan keeda Aamina Waris waa tuma? Aamina Waris waxa ay aad u dheeshee ciyaarta islaba roga ah ee aad ay uga helaan dhalinyaradu inkasta oo ay da tahay ciyaartaas oo afka qalaad loo yaqaan HIPHOP hadii aad tagto madaxtooyada markasta waxaa lagu qabtaa ciyaaro iyo Tumasho lagu burburiyo hantida dan yarta iyo cashuur maalin walba laga qaadayo islaam maanta oo dhan bacadka tamaad xabuub ku gadaysay. Madaxtooyadu waxa ay u eegtahay goob Night Club ah oo ay ku tuntaan asaaxbta aamina waris iyo wasiirada qaartood oo habla yaryar oo under age ah garabka iska lulaayo.