Friday, August 4, 2017

Ilaha wararka( sources of news)



Ilaha wararka( sources of news)

Hordhac.

waa maxay ilaha wararka? Halkee warka laga helaa?

Su’aalahaa jawaabahoodu waxaynu ku lafoguri doonaa qormadan ilaha wararka.

Weriyayaasha waxa ugu weyn ee ay qabtaan waa inay raadiyaan wararka iyo faahfaahintooda.

Qof kasta oo u shaqeeya hayad saxaafadeed, waxa looga baahan yahay inu sheego wuxu arkay ama maqlay.

Guud ahaan ilaha wararka waxa loo qabiyaa ilaa seddex iyo toban(13) qodob.



1)    Goobjoogayaasha( eye withnesses)

2)    Dadka aad xidhiidhka la leedahay(contacts)

3)    Weriyeyaasha madaxa banana(freelances)

4)    Wakaaladaha wararka(news agencies)

5)    Warsaxaafadeedyada(press releases)

6)    Shirarka jaraa’id(press conferences)

7)    Warbaahinta kale(other media)

8)    Adeegyada gargaarka degdegga ah(emergency services)

9)    Dadka kale(readers, listeners and viewers)

10)                       Internet-ka(the internet)

11)                       Warbixinaha dawladda( government reports)

12)                       Warbixinaha hayadaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah (local and international NGO’S).

13)  Waxyaabaha balaf lagu maqlo (tip-offs).



Bal aan qodob qodob u kala qaadno:

1)    Goobjoogayaal (eye withnesses)

Markay goob wax ka dhacaan, dadka joogay meesha ayaa loo yaqaan goobjooge. Dadkaasi waxay si dhib yar  kuugu sheegi karaan waxay arkeen ee dhacayay. Sida qaalibka ah soomaaliddu waa dad war ku nool oo warka waxa la isugu gudbiyaa hab war afka ah( oral society).

Qofka markaad la kulanto, markaaba wuxu la soo boodayaa,” aniga joogay markay dhacayeen”. Waxay si dhib yar kuugu sheegi karaan waxay la kulmeen.

Laakiin iska jir wark ay dadkaasi ku siinayaan inuu xaqiiqo yahay iyo in kale. Waxa suutogal ah inay ku jiraan xaalad naxdin leh, oo aan la isku halayn Karin dhinaca xaqiiqada (facts).

Dhacdooyinka ayay si khaldan u fasiran karaan. Waxa se ay ku siin karaan war aad sii raacdo.

Haddii meeshu tahay goob dagaal, waxa loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah. Iska jir inaad goobjooge sheegtid magaciisa, markuu dagaal jiro. Waxaad u dhigi kartaa hadalka” sidey noo sheegeen dad goob joog ahi”.  Ilaali amaanka qofka (personal security).

2)    Dadka aad xidhiidhka la leedahay (contacts).

Dadka aad xidhiidhka la leedahay, waa kuwa sida joogtada ah kuu siiya wararka. Suxufi kasta waxa  waajib ku ah  inu haysto liiska dadkaasi iyo waliba telefoonadooda, e-mailadooda, meelaha laga helo.iwm.

Waxa fiican inaad ogaatid wakhtiyada aanay shaqaynayn. (Off).

Qofku wuxu si madax bannaan u hadlaa marka aanu ku jirin shaqada.

3)    Weriyeyaasha madaxa bannaan (freelances).

Suxufiyiinta sida joogtada ah ugu shaqaysta xirfadooda islamarkaana iibiya wararka ay soo helaan. Suxufiyiintani waxay noqon karaan qaar aqoon iyo waayo-aragnimo isku darsaday iyo qaar tababar qaatay. Intaanad warka ka qaadan sii baadh suxufiga taariikhdiisa . (Personal background). Kuwa isku darsaday aqoonta iyo waayo-aragnimada wararkooda waa la isku halayn karaa waana la baahin karaa. Laakiin kuwa aan aqaaonta ama waayo-aragnimo lahayn wararkooda waa la iska hubsanayaa, oo waliba meelo kale waa in laga sii xaqiijiyaa. (Other sources). Haddii kale baahinta warkooda khatar ayaa lagu galayaa.

4)    Wakaaladaha wararka (news agencies).

Wakaaladaha wararka kuwa ugu caansan waxa ka mid ah: AP, AFP, REUTERS, DPA iyo UPI.

Waa shirkado wararka iibiya meelo kala duwan oo caalamaka ah. Way sii kala caansan yihiin qaarkood waxa la yidhaa waxay leeyihiin ilaa 20,000 oo weriye. Intooda badan waa qaar la aamino ama looga-qaateenimo lagu yaqaan. (Reliable sources). Waxay caalamka ku leeyihiin sumcad, taaso sababtay in la aamino. Way iska ilaaliyaan inay sheegaan wax aanay hubsan, haddii kale magac xumo ayaa ka raacaysa. Wararkooda inta badan waa la soo xigtaa.

Inaad hubsataana waa shay fiican. (Check your sources).

5)    Warsaxaafadeedyada (press releases).

Waa war sy soo saaraan hayad doonaysa inay wax sheegto si dadku u maqalaan ama u daawadaan. Warkaasi wuxuu noqon karaa mid qiimo weyn leh ama wax aan la sheegi Karin. Haddii uu yahay mid soo jiidasho leh waa la sheegi karaa, haddii kale waa la guud marayaa.haddii loo sheego siduu yahay, wuxuu noqonayaa xayaysiis loo sameeyay hayadii soo saartay. (direct advestisment). Laakiin haddii laga dhigo barnaamuj lacag laga qaado waa arrin kale. Markasta waxa la qiimaynayaa mihiimada uu leeyahay. (Importance of subject).

6)      Shirarka jaraa’id (press conferences).

Shirarka jaraa’id ee loogu yeedho suxufiyiinta waa qaar ujeeddo laga leeyahay, waxay noqon karaan, wax cusub oo la sheegayo ama wax hore u jiray oo jawaab laga bixinayo.

Sidii aynu hore u soo sheegnay, suxufiga ayaa kala dooranayo, waxa ku jira inay yihiin wax la sheegi karo iyo in kale. (Interesting or boring).

Mar kasta waxa meesha lala yimid maaha xogta runta ah, balse waxa mihiim ah su’aalaha laga weydiiyo mowduuca. (releveant questions). Haddii ay suurogasho ka balanso warysi gaar ah, markuu dhammaado shirka jaraa’id.

Si fiican u dhegayso su’aalaha la weydiinayo dadka shirka jaraa’id qabtay. Waaba inaaso wax kugu soo kordhiyaane.mar kasta waxaad doonayso, su’aal ka weydii. (Ask questions-never make assumptions).

7)    Warbaahinta kale (other media).

Weriye kasta waa inu la socdo warbaahinta kala duwan ee dalkiisa iyo caalamakaba. Tani waxay kuu saamaxaysaa inaad wax kasta la socotid (updated person). Wakhtiyada aanad shaqada ku jirin, isku day inaad dhegaysato idaacadaha, daawato telefiishanada, akhristo jaraa’id, gal ama booqo shabakadaha internet-ka.iwm.

Waxaad ka heli kartaa wax cusub iyo fikrado aanad hore u aqoon. (New ideas).

Weriye ahaan waa inaad ogaato oo aad maanka ku heyso tartanka ka dhexeeya warbaahinta caalamak iyo tan gudaha. Waa inaad noqotaa qof soo jeeda. (Competitive person).

Bal ka warran suxufi wakhtiga aanu shaqada ku jirin makhsin ku qayilaya ee sheeko uun ku jira maantoo dhan. Siduu ula tartami karaa suxufi aan qayilin oo wakhti kasta baadhitaan ku jira.

8)    Adeegyada gargaarka degdegga ah (emergency services).

Waa meelaha ugu mihiimsan ee laga helo warark imika dhacaya. Xafiiska wararka ee hayad warbaahineed leedahay waa inay haystaa liiska telefoonada ee xarumaha gargaarka degdegga ah, si ay u helaan wixii dhacay faahfaahintooda. ( lastest news).

Waa in lagu dhejiyo liiska telefoonada meel suxufi kasta ka arki karo. (Telephone numbers).

Adeegyada gargaarka degdegga ah , waxa ugu mihiimsan. Cisbitaallada, saldhigyada bileyska iyo gaadiidka ka shaqeeya gurmadka degdegga ah.

9)    Dadka kale (readers, listeners, viewers).

Dadka caadiga ah waxa ku jira dad u jajaban inay helaan wararka, qaarkood markaad la sheekaysatid waxaabad is odhanaysaa waa suxufiyiin. Dhegaystayaasha, akhristayaasha iyo daawadayaashada ku dhiiragali inay ku soo diraan wararka ay arkeen iyo waxay goobjoog u ahaayeen. Laakiin markasta iska hubi waxay kuu soo diryaan maadaama aanay ahayn suxufiyiin, waxa laga yaabaa inay si khaldan u fasiraan dhacdooyinkia ay la kulmaan. (Double check).

10)           Internet-ka (the internet).

Waa qalab casri ah oo warbaahineed oo cusub. Waxa laga heli karaa malaayiin bog oo qoraal ah, sawiro, codod, video iyo dhacdooyin kumanaan ah. Waxana ka buuxa macluumaad aan la soo koobi Karin.

Dhinaca shabakadaha  wararka ( websites). Waxa jira shabakado ay leeyihiin shirkado, hayadaha dawladda, hayadaha madaxa bannaan iyo kuwa caalami ah, oo laga heli karo waxyaabo xaqiiqo ah, oo la isku halayn karo.

Waxa kale oo jira shabakado  kale oo dad gaar ahi leeyihiin oo ay ka buuxaan warar aan sal iyo raadtoona lahayn iyo xanta suuqa la isla dhexmarayo. (Rumor news).

ISKA JIR , WAX KASTOO KU JIRA INTERNET-KA RUN MAAHA.

Qaar ka mid ah shabakadaha saxaafadda oo aad  macluumaad ka heli karto.( useful internet sites).

= www.amarc.org . world association of community radio broadasters.

= wwww.freedomform.org/whoweare/media.asp

= www.ijnet.org  . international journalist’s network.

= www.cpj.org  . Committee to protect journalist.

= www.spj.org  . Society of professional journalist.

= www.igc.org  . Institute for global communications.

= www. Ifj.org

= www.oneworld.org/ndima

11)  warbixinaha dawladda ( government reports).

Warbixinaha ay soo saarto dawladdu waxa ku jira waxyaabo laga faalloon karo ama war laga samayn karo. Waa inaad wada akhrido oo aad kala  soo baxdo wixii aad isleedahay waa mihiim. Inta badan waxa laga samayn karaa barmaamuj doodd ah.

Tusaale ahaan war bixinta dawladda waxa ku jiray dhaqaalaha dalka oo gaadhay meel sare. Waxaad casuumi kartaa qof aqoon iyo khibrad u leh dhaqaalaha (economist). Iyo masuu ka tirsan dawladda gaar ahaan wasaarada maaliyada. Waxaad dhexdhig kartaa su’aalo iyo mowduuc aad soo baadhay, halkaana aya dooddu ka bilaabmato

12.  warbixinaha hayadaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga. (Local and international agencies reports).

Hayadahu waxay ka qabtaan hawlo kala duwan, qaarba shay gaar ah ayay ahmiyad siiyaan.

Waxaad booqan kartaa xafiisyadooda ama bogga internet-ka ay leeyihiin, si fiican isha u mari, wixii ku soo jiita ayaad si fiican u akhriyay. Ka dibna ka fikir wixii aad ka qori lahayd ama ka diyaarin lahayd.

13. waxyaabaha balaf lagu maqlo ( tip-offs).

Sheekooyinka iyo ku-ti-kuteenka la isla dhexmarayo ee aad maqashay, waxay noqon karaan waxyaabo faa’iido leh, waanad sii raaci kartaa.

Adigo markasta iska shaandhaynaya. Ileyn waa shay aan sugnayn oo dadku isla dhexmarayaan. (Checking the facts).

cid kasta oo wax lagaaga sheego waad raadsan kartaa, adigoo u kuurgalaya, bal waxa ka run ah ama been ah. Dadka aad isleedahay arrintan ayay wax ka ogyihiin balanso ama ugu tag goobta ay joogaan, si gaar ahna ula sheekayso, bal inay wax kugu kordhiyaan. U sheeg inaanad baahin waxaad ka wada sheekaysanysid ( off the record).haddii uu wax kuu sheego weydii meeshu ka maqlay, si aad tixraac ugu samaysid.



Dhinaca tifetirka:  Dillapress.com

No comments:

Post a Comment