Friday, August 4, 2017

Casharadii Saxaafadda:- Dhexdhexaadnimada (impartiality)



Hordhac Waxayaabaha laguugu soo joogsanayo, waa adigoo noqda dhexdhexaad.

 Haddii aad ku sifawdo, isku dheelitir iyo cadaaladd, waxaad sumcad iyo magac ka helaysaa bulsha weynta. Wax kasta oo dhaca waa inaad meel dhexe ka istaagto. Haddii aad ku dhexmilanto afkaaraha dadka is haya, waxaad ka mid noqonaysaa dhinacyada is haysta. Guud ahaan dhexdhexaadnimada waxa loo qaybiyaa ilaa todoba qaybood, oo kala ah: a) dhexdhexaadnimada suxufiga ( don’t be sided). b) isticmaalka luuqada iyo erayada ( language and its words). c) xaqa wax ka jawaabidda ( rights to comment). d) xaqa diidmada ( rights to reject). e) xaqiiqo ku salayn ( based on facts). f) isu dheelitir ( balance). g) caddaalad ( justice). Bal aynu mid, mid u sharaxno: a) dhexdhexaadnimada suxufiga (don’t sided) suxufigu waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof u dhexeeya, arrimaha dhacaya. Dadku way kuu siman yihiin. Maaha inaad dadka qaarna soo dhawayso, qaarna aad fogayso. Maaha kaalinta weriyuhu inuu kala xukumo sax iyo khaladka, runta iyo beenta wixii la kala sheegto, ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inuu waan waan ka dhexdhaliyo dhincayada is haya. Waxa kaliya eed meesha u joogtaa inaad sheegto aragtida labada dhinac, iyo wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira. (present conditions). Si weyn isaga hubi waxaad tabinaysid, inay yihiin fikradda labada dhinac. Taasina waa tiirarka waaweyn ee saxaafadda iyo suxufiga. (major role). b) isticmaalka luuqada iyo erayada
( language and its words). Luuqada aynu doonayno inaan ku hadalo, waa hadba tuu dadka lala hadlayaa yaqaan, ha noqoto mid shisheeye ama afka soomaaliga. ( local or international). Weriye kasta waxa khasab ku ah inuu yaqaan, dadka uu wax u sheegayo. ( know your audience). Intaasi ka dib wuxu ka fikiri karaa inuu kula hadlo luuqada ay fahmi karaan iyo isticmaalka erayada ku jira. Iska dhawr erayada laba micnood leh ama wax ka badan. ( different meaning words). Waxa kale oo aad maanka ku haysaa kuwa si kala duwan looga yaqaan deegaanada kala duwan. Markaad diyaarinaysid warbixin ka hadlaysa xaalad meel ka jirta, waa inaad isticmaashaa luuqada dadka caadiga ahi ku hadlaan, markay sheekaysanayaa. (traditional language) ama sidii adigoo saaxiibkaa la sheekaysanaya oo kale. Haddii aad isticmaasho luuqada ama erayada ay adeegsadaan suugaanyahannadu cida ku fahmaysaa waa dadka suugaanta ku dhexjira oo kaliya. ( only special people). Kaliga ha aaminin in waxaad sheegayso la wada fahmayo. Laakiin u kuurgal oo la sheekayso dadka bal inay wax dhaliil ah kuu sheegaan, si aad u saxdo. = af-guri ( local words). Af-guri waa erayada laga isticmaalo kolba deegaanka aad joogto. Oo aanay kula fahmayn deegaanada kale. Iska hubi in daka oo dhami kula fahmayo erayada af-guriga ah. Tuaale ahaan, erayga beedka reer Somaliland waxay u yaqaan beed, koonfurta somaliya waa ukun, reer jabuuti waa naalo. Markaa eraygaa isticmaalkiisu wuxuu ku xidhan yahay kolba meesha aad joogto ee dadkaasi kula fahmayaan. “ af-gurigu ma xuma haddii dadka deegaankaasi kula fahmayo” = erayada suuqdiga ah ( slange). Bal ka waran erayadan, haddii aad ku darted warbixin. Wuu u khuuriyay, horuu u soo fadhiyaa, waan soo kala toosay, wuu u jaakidhay. Iwm. Dhammaan erayadaasi waa qaar u gaar ah dhalinyarada. Way adag tahay inay fahmaan dadka waaweyni. Markaa waa arrin aad banaanayn in la adeegsado, maadaamo aanay bulshadi wada fahmayn. = erayada dhinaca siyaasadda. (Political words). Erayadan soo socdaa waxay noqon karaan aflagaado ama ammaan. Dadka qaarkii way ku farxi, qaarna way ka cadhoon. Argagixiso, xagjir, kooxaha mayalka adag, takfiir, kooxo canaasiir ah, ciidanka alle, khawaarij, xukumadda ridada, cadowga ilaahay, mujaahid, murtad, nabad diid, kooxaha falaagada ah, maleeshiyo iyo deblay iwm. Isticmaalka erayadaasi waa laga taxadirayaa. Waayo haddii aad qaar isticmaasho ogow inaad ka baxday dhexdhexaadnimadii. Waa erayo adduunka lagu kala aragti duwan yahay (different ideology). Tusaale ahaan marykanku alqaaciida wuxu u yaqaan argagixiso, ruushkuna jeejinaya wuxu u yaqaan argagixiso, filipiin abu-siyaaf waxay u taqaan argagixiso, hindiya kaashiir waxay u taqaan argagixiso iwm. Laakiin alqaaciida ma ogola in loogu yeedho argagixiso, jeejniyana ma ogola kuwa kalena waa sidaasi oo kale. Alqaaciida waxay isu yaqaanaan inay yihiin mujaahidiin xaq ah, markaa haddii aad alqaaciida ugu yeedhid argagixiso dee dhexdhexaad ma tihid oo marykankii yaad la safatay. Waxa dhexdhexaad noqon kara inaad ugu yeedhid magacooda. Mudane weriye ama tifaftire waa inaad fiiro gaar ah siiso isticmaalka erayo kooxo gaar ah hal qabsi u ah. FIIRO GAAR AH: warbaahinta reer galbeedka maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ahi. Arrin kasta waxay ka horaysiiyaan danta qarankooda. (National interest) ama amniga dalkooda. (National security). Waayo wax kasta oo dalkooda wax yeelaya waxay ugu yeedhaan “ argagixiso”. Markaa waxay la safteen dawladoodi, wax dhexdhexaad ahna may muujin. Erayada kala ah: kooxo canaasiir ah, kooxo flaago ah, deblay waxaad ku bedeli kartaa kooxaha mucaaradka ah. Tusaale ahaan waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxo argagixiso ah, halkii aad ka odhan lahayd, waxaad ka tidhaa” waxa dagaalamaya ciidamada dawlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Haddii ay magac leeyihiin ugu yeedh magacooda. c) xaqa wax ka jawaabidda ( rights to comment) marka qof ama hayad wax lagu eedeeyo, waxay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan wixii lagu eedeeyay. Dhinac a wakhtiga haddii aynu eegno, waxa la isku dheelitirayaa labada dhinac wakhtiga la siinayo. ( time balance). Tusaale ahaan haddii uu afhayeenka dawladu soo saaro hadal qoraal ah, oo uu mucaaradku ku timaamayo dambiilayaal qaranka meel kaga dhacay, oo hadalkiisu socdo ilaa soddon daqiiqo. Waa in dhinaca mucaaradkana la siiyo jawaabta ay arrintan kaga hadli lahaayeen intii in leeg. ( the same time). Haddii laakiin wakhtiga loo kala badiyo, waxa halkaasi ka muuqanaysa in aan dhexdhexaad laga ahayn arrintaasi. d) xaqa diidmada ( rights to reject). Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu wax diido waxna aqbalo. Maaha shay lala yaabo, marku qof diido inuu warysi ama war bixiyo. (personal rights). Laakiin haddii qofku diido in la waraysto, hasa yeeshe ay tahay in loo baahan, waxaad ku dartaa warbixinta in aad la xidhiidhay qofkaasi, balse uu diiday inu bixiyo wax waraysi ah. Arrintani waxay dhegaystayaasha, daawadayaasha iyo akhristayaasha tusaysaa inaad isku dayday in warka labadiisii dhinac aad raadisay, laakiin qofkaasi ku diiday. Waxay qayb ka qaadanaysaa inaad sheekada dhexdhexad ka tahay. ( neutral journalist). Dhinaca barnaamujyadda dooddaha ah: Tusaale ahaa waxaad qabanaysaa doodd ka dhacaysa tarunta T.V ga aad ka shaqayso waxaad ku casuuntay afar qof inay doodda ka qayb galaan dhammaantoodna way aqbaleen inay ka soo qaybgalaan. Balse saacadihii ugu dambeeyey ee ay dooddu bilaabmaysay ayuu mid ka mid ah ka qaybgalayaashu is bedeley oo qaadacay ka qaybgalka doodda. Markay halkaa marayso, waa in dadka loo sheego qofka jaray balantii, isla markaana kursigii uu ka maqnaa la tusaa dadka. (Mention the position). e) xaqiiqo ku salayn ( based on facts). Suxufiyiintu waa inay hawshooda u gutaan si daacadnimo ku jirto. Warka oo sidiisa loo soo bandhigo, waxa lagu heli karaa sumac iyo looga-qaateenimo. Xitaa haddii uu ka horimanayo danaheena gaar ahaneed. ( be objective). Mid ka mid waxyaabaha ku salaysan xaqiiqadu waa sifooyinka la siinayo, kooxaha iska soo horjeeda.iyo waxa lagu hadlayo oo la ilaaliyo. (Pay attention what you say). Tusaale ahaan. Goob dagaal ka socdo ayaad ka soo werinaysaa waxaanad tidhi” ciidamada dawlada ayaa cagta mariyay kooxo argagixiso ah, oo ku dhuumanayay bariga magaalada.” Hadalkani maaha hadal weriye . waa hadalka afhayeenka dawlada. Suxufigu hadalkan ma isticmaali karo ilaa uu ka jawaabo su’aalahan. Waayo ma adiga ayaa ka dhigay argagixiso? Raali ma ka yihiin in loogu yeedho? Miyaanay magac lahayn? Maxaad ugu bixisay? Iska jir inaad hadalka iska tidhaa. U fiirso waxa afkaaga ka soo baxayo. ( your own words). Hadalka weriyuhu waa kan” ciidamada dawlada ayaa dagaal kula jira kooxo ka soo horjeeda, walina dagaalku wuu socdaa”. Haddii ay dawladu meel qabsatay oo warkaasi cad yahay waa inaad sheegto. Laakiin ha horboodin warka. Haddii aanad xaqiiqo ku salayn warkaaga, waxa dhici karta in dadku kaa aamin baxo, oo meel kasta lagaaga soo horjeesto, oo weriyahaagana lagu dilo meel kasta. Ileyn adigaa halkaa isdhigaye. ( don’t bias). Wararka aad soo hesho ha marinhabaabin, waayo dadka aad wax u sheegaysaa way fahmayaan marinhabaabinta aad samaysay. f) isudheeltir ( balance). Isudheelitirka wuxu si weyn ugu xidhan cadaaladanimada, waxaanu nuxurku yahay inaad labada dhinacba fursad u siiso inay doodaan. Waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, dooddaha, faallooyinka iyo fikradaha kala duwan waa inay loo soo bandhigo qaab sugan oo isudheelitiran. ( fairness). Si loo ilaaliyo isudheelitirka, waa in qodobadan isha lagu hayo. (few tips). 1) si ku haboon ayaa lo soo bandhiyaa iyadoo lagu xisaabtamayo wakhtiga iyo meesha bannaan ee la siinayo.( time and position). 2) sheekada iyo qaybaheeda waxa loo soo bandhigaa si madax banaan oo dhinac kasta laga eego. (independent of both sides). 3) meesha ku haboon, iyo cidii xaq u leh jawaab inay ka bixiso waa in la siiyo. ( chance to make comment). 4) waa in aan warka la khafiifin oo la macno dilin ama wax yar laga soo qaadin macnaha guud iyo nuxurkiisa. ( tast of the sentences). 5) waa in aanay isku dhexyaacin warka iyo xayaysiisku, oo la kala ilaaliyaa. 6) waraka la xidhiidha faallooyinka, looma qorayo qaab colaadda sii xumaynaysa oo uga sii darta cadaawadda ka dhexaysa bulshooyinka ay arrintu khusayso.( worsening the condition). g) cadaaladda ( justice). In suxufigu uu xaqiiqada wax ku saleeyo wuxu micnaheedu yahay in cadaaladd iyo daacdnimo wax loo sheego. Iyadoo la eegayo qiimaha iyo saxnimada. ( in value and size). Mana aha inay iska dhega tiraan araa’da kuwa ay iyagu neceb yihiin. Waa inay dadku kuu sinaadaan, maaha inay dadku kuu kal qaybsan yihiin. Waa in qaarna laga yeelin danahooda gaarka ah, qaarna loo fulin. Suxufigu waa in aanu qaadan wax laaluusha ah, waayo waxaad ka tegaysaa dhexdhexaadnimadii iyo cadaaladii. Sowtii hore loo yidhi” af wax cunnay xishoo”. Haddii aad laaluush qaadatid waad habranaysaa oo hawshadii uma gudan kartid sidii loogu talgaly.dadwaynaha sida dhabta ah u qiimeeya saxaafaddu way fahmayaan inaad laaluush qaadatay, waayo waxa warkaaga ka muuqnaysa buubuunin iyo ka bad-badin. Ogow dadweynuhu khaladka way xusuustaan muddo dheer. Haddii uu khaladkaagu isku xigxigo ( repeat mistake), waa lagaa shakiyayaa. Waxana calaamad su’aal la saarayaa cadaaladdnimadaada. Aakhirkana warkaaga waxa lagu suntayaa been cad. Waxana dhici karta in laguu bixiyo beenaale aan la aamini Karin. (Fiction maker).



Dillapress.com Editors

No comments:

Post a Comment