Friday, August 4, 2017

Ka wartebinta dagaalka iyo khilaafaadka. ( Reporting war and conflicts)

Hordhac Marka laga wartebinayo dagaalka iyo khilaafaadka, waxa ahmiyad weyn la siinayaa, wararka, warbixinaha, xogaha iyo macluumaadka. Waa inay noqdaan qaar sugan oo si weyn loo hubiyey, looma eego miisaanka iyo isudheelitir. Waa inay ku ladhan tahay cadaaladdi. Dadku waxay rabaan runta meesha taal. Guud a haan, waxa ynu u qaybinaynaa shan qodob, oo kala ah: a) kaalinta weriyaha ( journalist’s role) b) fahmidda khilaafka ( understanding the conflicts) c) ka wartebinta dagaalka ( reporting the war) d) ka wartebinta masiibooyinka ( reporting disasters) bal aynu mid, mid u sharaxno. a) kaalinta weriyaha (journalist’s role) ka soo qaad sidii adigoo ka waramaya ciyaar kubadda cagta oo laba kooxood dhexmarysa, oo aad isku dayaysid inaad dhexdhexaad ka ahaato, adigoo aan shaaca ka qaadayn dhinicii aad taageersanayd. Dadka ku dhegaysanaya ama ku daawanayanaya u muuji inaad tahay suxufi dhexdhexaad ah. (Neutral journalist). Waxa sidaasi la mid ah ka wartebinta dagaalka oo ka khatar badan. Marka goob dagaal aad joogto, warbixinta ugu horaysa waa inay noqoto wixii aad argtay ama aad maqashay. (What you see and hear).maaha kaalinta weriyuhu inu kala xukumo saxda iyo khaladka, runta iyo beenta ama inuu go’aamiyo dhinicii run sheegaya ama inu ergo ka noqdo meesha. Waxa aad iyo aad mihiim u ah inaad fahanto kaalintaada aad meesha ku leedahay. Waxa kaliya ee aad meesha u joogtaa waa inaad ka wartebisid aragtida labada dhinac, wixii dhacaya ee socda wakhtigaasi, waxa taagan iyo duruufaha meesha ka jira. Si weyn isaga hubi afka iyo eryada aad isticmaalayso inaanay dhaawacayn labada dhinac. Si gaar ah uga digtoonow waxa la yidhaa xogaha iyo macluumaadka ka soo baxaya dagaalka, ee ay kala sheegnayaan labada kooxood. Toos u soo xigo wixii ay sheegeen labada dhinac. (Direct source). Mar kasta muuji feejinaan dheeraad ah, waayo waxaad tebinaysaa waxay saamayn ku yeelanaysaa qaabka uu dagaalku u socdo iyo natiijada dambe. (Last stage impact). b) fahmidda khilaafka ( understanding the conflict). Inta aanad tegin goobta dagaalka ee aad ka soo waramaysid, waa inaad sii samaysaa baadhitaan qoto dheer oo ku saabsan taariikhda khilaafka, is weydii su’aalahan. Sidu khilaafku ku yimid?, halka uu ka bilaabmay?, sababta keentay?, inta heer ee uu soo maray?, shakhsiyaadka ku luglaha?, inta xal ee la isku dayay in lagu xaliyo?, baaxada uu leeyahay?.iwm. (Background information). Markaad jawaab u heshid dhammaan su’aalaha, waxaad u gudbi kartaa inaad u xamaan urursato goobta aad tegaysid. Waxa intaasi ku soo raaca inaad haysato qalabkii aad la tegaysid meesha sid, rikoodh, cajalad(personal tool), si aad ugu warysato haddii aad fursad u heshid. Ma wadataa magacyada hogaamiyeyaasha iyo afhayeenada kooxaha. (Names and titles). c) ka wartebinta dagaalka ( Reporting the war). Waxa la yidhi “ khasaaraha ugu weyn ee dagaalku waa runta”. (First casualty of war is the truth). Marka laga wartebinayo goob dagaal waxa la raacayaa qodobadan hoos ku qoran: 1) marka war laga dirayo meel dagaal ama cadaawadi taal, waxa warka laga dhigayaa wuxu weriyuhu arkay ama maqlay.( sees and hears). Laguma darayo faaqidaad iyo faallooyin, iyo wax aan la hubin. Falanqaynta waxa loo dhiganayaa marxalada dambe. (Later stage). 2) arrimaha la isku khilaafsan yahay waa in si taxadir badan la isugu dheelitiro, iyadoo hadal kasat la sheegayo cidii tidhi ee loo cuskanayo. (Original sources). 3) xaaladaha aad khatarta u ahi, waxay muujiyaan war xiiso badan, markaad warkaasi sheegayso waa inaad sheegto halkaad warkan ka soo xigtay. (Accurate sources). 4) haddii aad joogto meel xabada habawga ahi ka soo gaadhayso, waa inaad doonataa meel gabood ah si aanay kuugu dhicin xabadu. (Under cover area). 5) waligaa toos ha u dhexgalin laba kooxood oo dagaalamaya, waxa dhici karta inay kugu dhacdo xabada ay is dhaafsanayaan labada dhinac.( never place yourself in danger). 6) marna waa inaanad u muuqn in aad qayb ka tahay dagaalka, oo aad wax kaga jirto. Hana u eekaan kooxaha dagaalka ku wada jira, sida adigoo xidha dhar tuute ah. (Way of dressing). 7) waa inaad ka bixi karto meelaha khatarta badani ka jirto, haddii meeli kaa soo xidhanto waa inaad haysataa meel kale oo aad ka baxdo kana ammaan badan.( escape area). 8) ha iska fadhiyin khatar badan, adigoo doonaya inaad qaado sawir fiican ama cod duubaya. ka fikir ammaankaaga. (Get out of danger). 9) marka goob-dagaal la joogo runt waa shayga loogu neceb yahay. Suxufiyiinta la laayo waxa loo dilaa laba sababood: (a) suxufi loo dilo dhexdhexaad maaha oo dhinac kale ayuu la saftay. (Unprofessional journalist). (b) suxufi loo dilo muxuu runta u sheegayaa oo ciidankayaga laga adkaaday aynu sheegayaa. (Professsional journalist). Markaa ha ka shakiyin waxa laguu dili runta, laakiin naftu waxay leedahay wakhti ilaahay ugu talogalay inay dhimato. Runta ku dhimo. 10) mar kasta maanka ku hay ammaankaaga. Nafta qofka oo la gooyaa waa dambi weyn xaga ilaahay. (Your own safety). d) ka wartebinta masiibooyinka ( reporting disasters). Marka ay dhacaan masiibooyinku dadka badankiisu way ka mashquulaan xaga maskaxda. (Confusion). Inta badan waxa dhaca jahawareer iyo is dhexyaac, xitaa goob joogayaasha ayaa mashquul noqda, oo waxay ku siin karaan warar is khilaafsan, ( conflicting versions). Marka laga eego dhinaca xaqiiqada. Markaa waxa loo baahan yahay taxadir badan. Marka laga wartebinayo masiibooyinka waxa la raacayaa qodobadan hoos ku qoran: 1) waa in weriyaha loo dirayo inu ka soo waramo masiibooyinku uu ahaado mid calool adag oo marku arko dad fara badan oo dhintay aanu khalkhalin. (Easy shock). Yaan warbixintaada laga dareemin cabsi iyo argagax. 2. suxufiyiinta ka waramaya masiibooyinka waa inay warka toos u helaan.( getting the facts straight). Haddii ay soo xigtaan war waa in la hubiyaa markast. In goobta la tago ayaa ugu fiican haddii la heli karo. 3) wajiga hore ee war ka dirida masiibooyinka waxa si gaar ah muhiimad u leh ilaha warka. (First stage). Qiyaasaha ugu horeeya ee khasaaraha waxa ugu badan war aan sugnayn oo la qiyaaso. Haddii aad heshay dhawr war oo kala duwan, waxaad dooran kartaa midka xambaarsan masuuliyada ugu weyn. Tusaale ahaan. Waxaad soo qaadanaysaa warka uu sheegay qof madax ahi. (Greatest authority). 4) haddii warkaaga laga shakiyo, waa inaad markasta sheegto halkaad dhab ahaantii ka soo xigtay.( specific attention). 5) haddii aad war ka raadinayso dad dhibaato gaadhay, waa inaanad ku kadeedin inay warysi bixiyaan. Dadka xaaladoodu xun tahay dhib kale looma geysanayo. (Worsening the condition) 6) haddii aad tagto meel ay masiibo ka dhacay, oo aad ka soo waramaysid , waxaad mar kasta la socotaa saadaalaha soo socda ee laga yaabo inay dhacaan. Tusaale ahaan. Waxaad joogtaa goob uu ku dhuftay dhul-gariir, ka dib laanta qaabilsan saadaasha ayaa sheegtay in shanta saacadood ee soo socda uu dhici doono dhul-gariir baaxad weyni, markaa waa inaad ka warhayso taasi, si aanay kuu galaafan dhibtaasi. (Open your eyes). e) soo bandhigida warka labadiisa dhinaca ( balancing the news). Sidaynu hore ugu soo sheegnay casharadii dhexdhexaadnimada, waa in wax kasta oo aad sheegayso dhexdhexaad ka ahaato waa shaqooyinka ugu mihiimsan ee saxaafaddu ku taagan tahay. Bal aan qaar ka xusno: 1) warka waxaad u soo bandhigaysaa qaab u cuntama labada kooxood ee cadaawadu ka dhexayso.( neutral way). 2) erayada iyo luuqada aad isticmaalaysaa waa in aanay dhaawcayn labada kooxood. (Keep your words). 3) hubi hadalada, magacyada , xilalka, darajooyinka ay leeyihiin dadka aad soo xignaysaa. ( check the titles). 4) hadalka asalka ah soo xigo oo dadka maqashii. (Original sources). Waayo dadweynuhu waxay xiisaynayaa hadalada dadka is haya. 5) marna ha soo bandhigin huuhaada ama xanta suuqa la isla dhexmarayo. (Rumors news). Wax kasta ku salee runta. 6) ma la hubaa inay hadalkan yidhaaheen?, Goorma?, halkay ka sheegeen?, maxaad u cuskanaysaa?, cadayn ma u haysaa?, bal na maqashii ama na daawadsii hadalkoodii?, ( basic question). Jawaabaha su’aalahan waa inaad haysaa marka hore. 7) koox kasta ugu yeedh magacooda , marna ha isticmaalin erayada ay ku soo halqabsadaan kooxaha is hayaa. Sida, koox argagixiso ah, kooxo canaasiir ah, kooxo xagjir ah.iwm. (Call their names). Dillapress.com

No comments:

Post a Comment