Friday, August 4, 2017

Warbaahinta iyo dadweynaha (media and the people)

Dadweynuhu waa kuwa sida joogtada ah xidhiidh ula leh warbaahinta. Waa saaxiibada ugu dhow goor kasta, gaar ahaan wakhtiyada warbaahinta lagula kaco meel ka dhacyada. Waa inaad mar kasta ku fikirtaa maxay dadweynuhu kaa sugayaan, maxay xiiseeyaan, maxay jecel yihiin inay arkaan, maqalaan ama akhristaa. qormadan waxaynu u qaybin doonaa saddex qaybood oo kala ah: A) dhegaystayaasha ( audience) B) daawadayaasha ( viewers) C) akhristayaasha ( readers) aan qobob kasta faahfaahino. A) dhegaystayaasha ( audience) marka hore waxa fiican inaad ogaato cida ku dhegaysanaysa, markaad taasi fahanto, waxaad u diyaarinaysaa waxay u baahan yihiin. Waxaad ka ilaalisaa waxay neceb yihiin. Haddii kale waxaad luminaysaa dhegaystayaal badan. Qodobadan ayaa la raacayaa: 1) dhalinyarad: waxa loo diyaarinayaa barnaamujyada ay aadka u xiiseeyaan sida ciyaaraha, heesaha, aflaanta jacylka ah iwm. ( youth needs) 2) Waayeelka: waxa loo diyaarinayaa barnaamujyada khuseeya noloshooda sida wararka, caafimaadka iwm. ( old needs) 3) Qoraallada idaacadda loo qorayo waa inay ahaadaan qaar dadku si dhib yar u fahmi karaan, oo aan noqon kuwa mugdi ku jira. Waxa la yidhi “ waxaad wax u qoraysaa dheg, markaad idaacad wax u qoraysid.” Waxaad sawir ku muujinaysaa waa eryayo. Dadku dantooda ayey raacayaan ha moodin inay mar kasta sugayaan idaacadaada. ( Aiming for ear) 4) Dadka dhegaysta idaacaduhu, waxay fursad haystaan hal mar oo ay dhegaystaan idaacad, haddii ay wax dhaagaan awood uma laha inay soo ceshadaan wixii dhaafay. Taasina waxay horseedi karataa inay niyad ahaan kaa jeestaan, Markay wax dhaafaan. ( no chance of repeat) 5) Haddii dhegaystayaasha la maqashiiyo barnmaamuj ay ku jirto naxdin iyo werer, waa in aan lagaga tegin iyagoo ay maskaxdooda ka guuxayso welel iyo niyad-jab, balse waa in loo gudbiyaa kaalmo ama talooyin ay ku farxaan (Don’t leave worry, give help) 6) hadalka ha dedejin: hadalkaagu waa inuu noqdo mid hufan oo aan boobsii ahayn, kala saar erayada oo uu hadal sidii adigoo qof aan waxba garanyn wax u sheegaya. Isticmaal erayo si fuduf loo fahmayo. Idaacaduhu waxay u baahan yihiin suxufi cod macaan leh. (Golden voice). 7) Marka warbixin la sheegayo .Sida wax loo bilaabo: waxa lagu horaynayaa. (A)sida ay arrintu ku bilaabmatay (b) tafaasiisha waxa dhacaya (c) inta heer ay soo martay (d) ugu dambaysta waxa laga yaabo inay dhacayaan. (How to start). 8) Wax asturaada : waa inaad masuulid gaar ah iska saarto oo aad asturto magacyada, waraaqaha , E-mail ada iyo wixii kale ee ay kuu soo diraan dhegaystayaahu. u sheeg inay ahaan doonaan kuw sir ah oo cid kale aan la siinayn. (Privacy). 9) Ha isku bogin: waligaa ha isku qufulin in cid waliba ku dhegaysanyso, xitaa haddii idaacadaadu tahay mida kaliya ee ka jirta dalkaasi ama deegaan kaasi. Dadku way kaa wareegu karaan, oo wailba cajalad muusigah ayey dhegaysan karaan. Waxa kale oo aad maskaxda ku haysaa tartanka ay warbaahinta caalamku ku wada jirto wakhtigan. Qaybaha bulshada way kale duwan tahay baahi doonadu. cid kasta ka fikir waxay rabto. (Think your audience) 10)qorsha barnaamijyada : waa inaad maank ku hayso in dadka oo dhami isku wakhti dhegeystaan idaacadaha. Qof kasta wuxuu furtaa idaacada xilliga uu haysto wakhti iyo firaaqo, sidoo kale wuxu dhegaystaa barnaamijka uu xiisaynayo ama uu jecel yahay. Isku dheelitir barnaamiyjada, si dadka badankiisa loo kasbado. (different taste). B) daawadayaasha ( viewers). Waa inaad ogaato cida ku daawanaysa, ka dib waxaad u diyaarisaa waxay jecel yihiin ama dookhooda ah. Bal ka fikr qodobadan. 1) suxufiga telefishaanka war ka baahinya waa inuu muuqaal fiican leeyahay. (Good personal appearance). 2) Dhalinyarada: waxay jecel yihiin ciyaaraha iyo heesaha, markaa waa in loo diyaaroyo baahidooda. 3) Muuqaal fiican oo sawiro leh, ayaa laga rabaa barnaamuj kasta. Hadday sawiradu noqdaan qaar bilaa tayo ah, waxay keenaysaa niyad-jab. (Interesting photos). 4) Haddii daawadayaasha ay daawadaan barnaamuj xambaarsan naxdin iyo walbahaar, waa in aan lagaga tegin. Xaaladaasi, balse waa in la siiyo tallooyin ka bi’ya walaaca iyo wererka. ( don’t leave worry and sad) 5) Sawirada isku midka ah ee la soo celceliyo, waa qaar ay daawadayaashu ku caajisaan, oo ka jeedin kara daawashada, aad uga taxdir sawiro dhawr jeer soo noqnoqda. ( permanent repeat clips) 6) Ilaali wakhtiga wararka, ciyaaraha, riwaayadaha iyo casharada diiniga ah iwm. Hadday dib u dhacaan, ka bixi raaligalin una balanqaad in aanay dib u dhacayn. Ama laga taxadiri doonoo wixii dambe. (Correction system). C) akhristayaasha ( readers) marka dad wax loo qorayo, waxa loo baahan yahay in wixii la qorayo, si fudud loo akhristo loona fahmo. Bal qodobadan ka fakir. 1) suxufiga qoraal u diyaarinaya wargeys, waa inuu yeesho xirfada qoraal fiican uu ku qori karo. Oo marka la akhrinayo si fiican loo raaco ilaa laga dhamaynayo akriska. (Interesting never ends). 2) Waxaad erayo qoraal ah ku sifaynaysaa shayga aad dadka u sheegayso. Isticmaal erayo dadku kula fahmayo, oo micnahoodu cad yahay. (Clear words). 3) Waligaa wax ha ku qorin erayada suuqdiga ah, waayo dadweynuhu kulama fahmayo.haddii aad isticmaasho waxaad wax u sheegaysaa waa dad kooban oo suuq-joog ah. Tusaale ahaan. Maalin dhawyd wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa qoray war noocan ah “ masuul madaxtooyada ka tirsan ayaa gidaar u dhiibay koox salaadiin ah.” Waa arrin yaab leh, yaa la fahmaya hadalka suuqdiga ah. Ma dadka suuqa jooga ayuu wax u sheegayaa mise dadweyne kale duwan.waxa la adeegsanayaa waa erayada dadka caadiga ahi ku hadlaan markay sheekaysanayaan. (Normal words). 4) erayo suuganeed : ka fogow erayada ay wx ku qoraan suugaanyahannaduu, waayo waxa kula fahmaya oo kaliya waa abwaanada iyo bahda suugaanta. Gabayada waxa ka buuxa erayo ad-adag oo micnahoodu adag yahay, haddii wax lagu qorana fahmkooda adag yahay. 5) qormo aan mugdi ku jirin: qormada aad qorayso waa inaad ugu talogasho qof keli ah, marna ha ku fekerin in aad koox ahaan wax u qorto. Markaad qof keliya wax u qortid, akhristuhu wuxu dareemi doonaa sida saaxib isaga toos ula hadlaya. 6) Qoraal khudbad ah : marnaba yaan qormadaadu u dhedhemin sidii khudbad fagaree lag jeedinayo. Waa inay yeelato, bar bilow, fasiraad, ugu dambayn ama natiijo. Iska jir qoraal dheer oo lagu daallo, oo waliba qaab liita u qoran. 7) Ku dedaal in mar kasta, inuu yeeluhu ka soo horeeyo la yeelaha. (Active voice). Tusaale ahaan Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cuna qabtayn xagga hubka ah ku soo rogay soomaaliya. Iyo marka la yidhaa. Soomaaliya cuna qabatayn xagga hubka ah, ayaa waxa ku soo rogay golaha ammaanka ee qaramada midoobay. Waxa sax ah qormada hore. Dillapress.com

No comments:

Post a Comment