Friday, August 4, 2017

Qoraal u diyaarinta idaacaddaha. (writing for radios)

Dadweynaha waxay idaacadaha dhegaystaan iyagoo shaqooyin kala duwan qabanaya, oo ay ka mid tahay, xafiis shaqo, gaadhi wadis, cunta karin, dhar maydhis iwm. Hordhac Dadweynaha waxay idaacadaha dhegaystaan iyagoo shaqooyin kala duwan qabanaya, oo ay ka mid tahay, xafiis shaqo, gaadhi wadis, cunta karin, dhar maydhis iwm. Waxaad dagaal kula jirtaa sidii aad u khasban lahyd dareenkaooda, taasina maaha wax sahlan, hadaad khasban weydo, way kaa jeesan karaan. Khasab maaha inay ku dhegaystaan. Qormadan waxaynu u qaybin doonaa shan qaybood: 1) waxaad wax u sheegaysaa waa dheg ( writing for the ear) 2) dareenka dadka sida loo hanto ( to attract the attention) 3) hordhacyada ( cues) 4) codeynta barmaamijyada ( voicing) 5) habeynta xidhmooyinka ( package) BAL aan qodob kasta sharaxno: 1) waxaad wax u sheegaysaa waa dheg ( writing for the ear) marka aad tahay suxufi ka hawgala idaacad waxaad marka hore fahantaa inaad dadweynaha aad la hadlaysaa ay yihiin dhegaystayaal, balse aanay ahayn dad ku arkaya. Waxaad l maacaamilaysaa waa dhego bili?aadama. (Listener?s ear). Hadaba waxaad u baahan tahay inaad isticmaalsho erayo dheguhu fahmaan, oo aan laga xiiso go?yn. Dhegaystuhu wuxu fursad u haystaa in hal mar ku maqlo, waayo wixii dhaafay dib uma soo ceshan karo. (Cannot repeat) Dhegtu maxay u baahan tahay? (Needs) = hadal macaan oo la fahmo = erayo gaa-gaaban = hadal aan deg deg loo odhan = erayada dadka caadiga ahi isticmaalo = hadal ujeedo iyo ka-jeedo leh = hadal khaladka raaligalin ka bixiya = hadal-yaqaanimo dadka wax ka dhaadhiciya = hadallo madadaalo iyo murti leh = hadallo lagu raaxaysto maqalkooda. 2) dareenka dadka sida loo hanto ( to attract the attention) si aad u soo jiidato dhegaystayaasha . raac qodobadan: a) isticmaal erayo gaa-gaaban oo fudud ( simple words) b) isticmaal erayo micnahoodu cad yahay ( clear words) c) fududee tirooyinka. Sida ?199 ?waxa ka fiican ku dhawaad 2 boqol. ( simplify figures) d) iska jir erayada la soo gaabiyo. Sida, UN, EU, AU, I.A.E.A. isticmaal qaramada midoobay, midowga yurub iwm. ( aviod abbreviations) e) khalad haduu kaa dhaco raaligalin ka bixi. ( quick apologize) f) hadalka ha dedejin, si hufan oo laguu fahmo u hadal. Kala saar hadalkaaga. (Clear talk). g) Erayo qalaad marna ha isticmaalin, waayo dadku kulamo fahmayo. ( frogien words) h) Dhiiragali dadka, una sheeg inay wixii tal, tusaale iyo toosin ahba kuu soo diraan, hadday hayaan. ( support your listeners) i) Sheeg meelo ay kaala soo xidhiidhaan. (Contact area). Sida, tilifoon, ciwaan internet iwm. 3) hordhacyada ( cues) hordhacu waa halka ugu mihiimsan, ee lagu soo jiidan karo, dhegaystayaasha. Haddii hordhu xumaado ama noqdo mid aan soo jiidan dhegaystayaasha waa wax aan dhacayn inuu dhegaysto barmaamijkaaga. (First chance) waxa la raacayaa qodobadan: 1) warbixina loo samaynayo hordhac codeysan, waxay u baahan tahay: (a) halku-dhiga sheekada. (b) magac weriyaha iyo halkuu joogo. © cida kala qayb qaadatay. 2) hordhacyada loo samaynayo warysiga wuxuu u baahan yahay: ( a) in dhegaystayaasha la baro cida la warysanayo. Sida, magaciisa oo seddexan, derejadiis, xilka uu hayo. Iwm ( b) goorta uu bixi doona ama hawadagalin doona. 3) hordhacyada sheekooyinka dheer, wuxuu u baahan: (a) taariikhada sheekada oo kooban. ( b) imisa weji ayey leedahay, oo kooban. ( c) imisa weriye ayaa isku-dubariday. Hordhacyada qaabkan u soo bandhig. ( a) dooro erayo xiiso leh, oo dhegaystaha kuu soo joojiya. ( b) noqo qof firfircoon, oo nooleeya hordhacyada, ka ilaali caajiska. (Active way) ( c) adeegso erayo macaan, oo dhegaystayaasha soo jiita. (More intersting) ( d) hordhacyadu sheekadu oo dhan ma sheegaan, balse waxay iftiiminyaan waxa soo socda. Iska jir inaad sheekadii oo dhan wada sheegtid, tani waa khalad weyn, oo laga galay sheekadii. Cida hadhow ku dhegaysanaysaa ma jirto ileyn waadigan wada sheegay wixii oo dhan. (Don?t give the whole story) ( e) iska jir hordhacyada aan ku haboonayn warbixinta, haddii kale dhegaystayaasha, way ku adkaanaysaa inay fahmaan waxa soo socda. (It must match the report) ( f) haddii hordhacyada lagu bilaabo dhawaq, waa in la sheego wuxu yahay dhawaqaasi, si dadku kuula jaan-qaado oo aan loo jaha-wareerin. (Don?t confuse the listener). 4) codeynta barnaamijyada ( voicing) BAL qodobadan eeg: a) warbixinta dheer: waa in ay ka qaybgalaan dhawr weriye oo ay codeeyaan. b) Codka keliya: haddii warbixinta lagu maqlo cod keliya oo hal suxufi akhriyo waa lagu caajisaa ( single voice) c) Codeynta: waa in lagu daro, taariikhda dhacdada, xigasho, lafagurid, sharaxaad iyo qurxin. ( more details) d) Iska jir inaad ku darto ra?yigaaga. Waayo taasi waxa loo dhaafayaa faallada dambe. ( aviod your opinion) e) Cod la fahmi karo: marna yaan la ogolaan in la duubo cod aan la fahmi karin. Sida, cod xabeeb leh, cod go?goya, cod tashuush ku furan yahay iyo cod buuq leh. Iwm (unclear voice). 5) habeynta xidhmooyinka ( package) habeynta xidhmooyinka waa shayga ugu mihiimsan ee looga baahan yahay cida gacanta ku haysaa xidhmooyinka. Waa in laga helo, qoraalka weriyahay, codad, muusiga, warysiyo gaa-gaaban. Iwm. Qodobada la raacayo: a) ururso dhammaan, wixii aad u baahnayd. Sida dadka ka qaybgalaya, qaab dhismeeka, codadkii loo baahnaa. Iwm. ( collect all needs) b) dooro mowduuc: sii baadh, inta weji ee uu leeyahay. Waa omii ahaado mid xiiso badan, oo dadka soo jiita. ( right topic) c) waa iuu ahaado mid isu dheelitiran: soo bandhig fikridaha macqullk ah, oo dhan ee arrinta la xidhiidha. Iska jir inaad adigu u hadashid dhinaca kale, iyagu ha ka hadlaan.( balanced package). d) Qaab xiiso leh: adigoo adeegsanaya codod, muusig, warysiyo gaa-gaaban iyo xigashooyin xiiso leh. Laakiin sheeg waxa cad oo aan jaha-wareerin dhegaystaha. (interesting and relevant) e) Xaga hore: waxa lagu bilaabayaa muusiga astaan u ah barmaaujka. Waxa kale oo lagu bilaabi karaa codka weriyaha, si loo muujiyo masuuliyada weriyaha. (To create good atomsphere ). f) Dadka aad warysiga aad ka qaaday u sheeg in lagu darayo barnmaauj, lagana dhigayo qaar gaa-gaaban oo la jar-jarayo. Haddii aad u sheegi weydo, waxa dhaci karta inuu la-warystuhu ka xanaaqo markuu maqlo warysigiisii oo la jar-jaray. g) Waxyaabo badan ha duubin: iska jir inaad waxyaabo tiro badan aad duubato, waxay noqonaysaa wax lagu caajiso. Mihiimadu farabadnaan maaha, laakiin waa hadba qaabka loo dhigo iyo isku-dubaridid. (The best way). Dillapress.com Follow @dillapress

No comments:

Post a Comment